4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay dalka ka furi doonto maxkamad qaadi doonta dacwadaha Burcad badeedda
Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Xukuumadda Federaalka Somaaliya ayaa shaaca ka qaaday ay jiraan qorsheyaal ay ku doonayaan in gudaha dalka Looga furo Maxkamad qaadi doonta dacwadaha la xiriira dadka ku eedeysan falalka burcad badeednimo.

Ra'isuul wasaare kuxigeenka ahna wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo shalay warbixin ka hor aqrisay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkan ay aad hoos ugu dhaceen weerarradii ay geysan jireen kooxaha burcad badeedda, arintaasoo ay sheegtay in ay tahay mid guul ah.

Marwo Fowziyo ayaa sheegtay in burcad badeeddu ay soo wajahday rajo xumo, arintaasoo ay xustay in ay sababtay in dad badan ay isaga baxaan howlaha burcad badeednimada ah.

Golaha wasiirada ayaa sheegay in ay dhawaan gudaha dalka ka furi doonaan maxkamad qaadi doonta dacwadaha burcad badeedda, taasoo ay sheegeen in laga furi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kooxaha ku eedeysan burcad badeednimada ayaa aalaaba lagu maxkamadeeyaa wadamo ka baxsan Soomaaliya, iyadoona ay imika jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku eedeysan falal burcad badeednimo oo ku xiran xabsiyo kala duwan oo caalamka ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan,.com
Kismaayo-Soomaaliya.