3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay dalka ka furi doonto maxkamad qaadi doonta dacwadaha Burcad badeedda
Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Xukuumadda Federaalka Somaaliya ayaa shaaca ka qaaday ay jiraan qorsheyaal ay ku doonayaan in gudaha dalka Looga furo Maxkamad qaadi doonta dacwadaha la xiriira dadka ku eedeysan falalka burcad badeednimo.

Ra'isuul wasaare kuxigeenka ahna wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo shalay warbixin ka hor aqrisay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkan ay aad hoos ugu dhaceen weerarradii ay geysan jireen kooxaha burcad badeedda, arintaasoo ay sheegtay in ay tahay mid guul ah.

Marwo Fowziyo ayaa sheegtay in burcad badeeddu ay soo wajahday rajo xumo, arintaasoo ay xustay in ay sababtay in dad badan ay isaga baxaan howlaha burcad badeednimada ah.

Golaha wasiirada ayaa sheegay in ay dhawaan gudaha dalka ka furi doonaan maxkamad qaadi doonta dacwadaha burcad badeedda, taasoo ay sheegeen in laga furi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kooxaha ku eedeysan burcad badeednimada ayaa aalaaba lagu maxkamadeeyaa wadamo ka baxsan Soomaaliya, iyadoona ay imika jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku eedeysan falal burcad badeednimo oo ku xiran xabsiyo kala duwan oo caalamka ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan,.com
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
10/25/2013 10:37 AM EST
Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha golaha ammaanka ee Midowga Afrika, isla markaana kula dar-daarmay in ciidamada Soomaaliya loo helo tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen.

10/25/2013 3:56 AM EST
Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro ayaa xalay lagu weeraray xarunta Warshadda Hilibka oo ku taal xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo, halkaasoo saldhig u ah ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.

10/25/2013 2:34 AM EST
Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay si rasmi ah u howlgelisay waaxda qurba-joogta Soomaaliyeed (Department of Diaspora Affairs) .

10/25/2013 2:26 AM EST
Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Wasiirkii cadaaladda maamulka Galmudug, Sheekh Xijaas Macallin Maxamed ayaa shalay xanuun awgiis ugu feeriyooday magaalada Hargeysa, iyadoo lagu wado in maanta lagu aaso magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

10/25/2013 1:52 AM EST
Jimco, Friday, October 25, 2013 (HOL) - Magaalada London ee wadankan Britain ayaa waxa ay noqotay meeshii ugu horeysay marka laga saaro Geeska Afrika ee lagu daahfuro Akademiyad Goboleedka Af Soomaaliga (AGA). Habeenimadii arbacada ayaa maqaayadda Savana waxaa lagu qabtay casho sharaf lagu soo bandhigayey AGA.