4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2013
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Shaacisay inay Howl-gelisay Waaxda Qurbo-joogta Soomaaliyeed

Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay si rasmi ah u howlgelisay waaxda qurba-joogta Soomaaliyeed (Department of Diaspora Affairs) .

Waaxdan oo ah mid cusub ayay wasaaraddu sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii ay u xiriirin lahayd qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool iyo Soomaalida ku nool gudaha dalka.

“Waaxdan waxay yeelan doontaa qaybo kala duwan oo u howlgali doona isku xirka qurba-joogta (Diaspora), hay’adaha dowladda iyo ganacsatada, si loo sameeyo iskaashi iyo wadashaqeyn, looguna fududeeyo maal-gashiga,” ayaa lagu yiri warsaxafadeed ay wasaaraddu soo saartay.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay qaaddo wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga calaamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo warka kasoo baxay wasaaradda lagu sheegay in waaxdan cusub ay filayaan inay wax weyn ka bedeli doonto xiriirka Soomaalida dibadda ku nool iyo kuwa ku nool gudaha dalka.

Soomaali fara badan oo qoxooti ah ayaa waxay ku nool yihiin inta badan dalalka caalamka, kuwaasoo dalka ka cararay xilliyadii colaaduhu jireen iyo ka hor, waxaana furitaanka waaxdan cusub ay kusoo beegmaysaa xilli uu ka muuqdo dalka isbedel weyn.

Qubo-joog fara badan oo Soomaaliyeed ayaa dalka dib ugu soo laabtay labadii sano ee ugu dambeysay, kuwaasoo ay ku jiraan fannaaniin caan ah oo Soomaaliyeed, waxayna dadkaas intooda badan sheegeen in Muqdisho ay ka nabdoon tahay sidii ay filayeen

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya