4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2013
Akademiyad Goboleedka Af soomaaliga oo London Lagu soo bandhigay

Jimco, Friday, October 25, 2013 (HOL) - Magaalada London ee wadankan Britain ayaa waxa ay noqotay meeshii ugu horeysay marka laga saaro Geeska Afrika ee lagu daahfuro Akademiyad Goboleedka Af Soomaaliga (AGA). Habeenimadii arbacada ayaa maqaayadda Savana waxaa lagu qabtay casho sharaf lagu soo bandhigayey AGA. Ergo ka tirsan maamulka sare ee AGA kana timid Geeska Afrika, aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah dadka bulshada soomaaliyeed dhexdeeda ku leh magac weyn ayaa ka soo qeyb galay kulankaa.

Ugu horeyntii xiriiriyaha barnaamijka Gudoomiyaha UK PEN Eng. Cabdiraxmaan Abtidoon ayaa wuxuu hadalkii kusoo dhaweeyey Amina Muuse Wehliye oo ah Gud. Ku xigeenka Naadiga Qalinleyda iyo Hal abuurka Soomaaliyeed ee (Somali Speaking PEN) oo iyadana hadallo kooban iyo soo dhaweyn martidii iyo ergadii meelaha fog ka timid halkaa ka soo jeedisay

Markaa kadib Maxamed Daahir Afrax oo ah guddoomiyaha AGA iyo Macallin Saciid Saalax Axmed oo isna ka mid ah mas’uuliyiinta Akademiyada ayaa warbixin dheer halkaa ka soo jeediyey. Afrax iyo Saciid waxa ay ka hadleen heerka uu marayo afka soomaaliga oo ay sheegeen in uu jiro dhimaal weyn wel-wel iyo cabsina ku haya gaar ahaan jiilka soo korayo oo ah aayaha ummadda heerkooda aqooneed ee afka hooyo. Waxay soo qaateen qoraalo badan oo ka soo kala baxa qalabka warbaahinta iyo weliba xafiisyada maamulada dawliga iyo kuwa gaarka loo leeyahayba oo qoraalada ay soo saaraan aad la yaabeyso. “Kadib dhibaatooyinkaa jira ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la abuuro hay’ad daryeesha afka soomaaliga, taasoo loo bixiyey magaca Akademiyad Goboleedka Af soomaaliga” ayey yiraahdeen. Waxay reer UK ka codsadeen in ay gacan siiyaan Akademiyada AGA iyo Naadiga Somali PEN.

Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay Duqa degmada Southwark ee koofur bari London Counsellor Cabdul Maxamed oo dhallinyarada ku dhiiri geliyey in ay afkooda iyo soomaalinimadooda ku faanaan isla markaana ka qeyb galaan kuna dadaalaan sidii ay heer sare uga gaari lahaayeen dhanka waxbarashada, shaqooyinka, siyaasadda iyo wax walboo ka mid ah hawlada dalkan ay ku nool yihiin.

Aqoonyahannada kala ah Rashiid Sh. Cabdullaahi oo loo yaqaan Gadhweyne iyo Saciid Jaamac ayaa iyagana ka hadlay halista ka soo socota ku baraarug la’aanta hoos u dhaca afka hooyo kuna baraarujiyey ka soo qeyb galayaaashii  in ay u istaagaan wax ka qabashada dhibtaas soo socota.

Waxaa sidoo kale hadallo qiima badan halkaa ka soo jeediyey aqoonyahannada ay ka midka yihiin macallin Muqtaar Sh. Cismaan, weriye Cabdiraxmaan Axmed Guuleed Shiine, qorayaasha Saciid Cali Shire iyo Amran Maxamed, Weriye Maxamed Aden Terra, waxaa iyana qeyb weyn ka qaatay bahda isboortiga oo ay ka midka yihiin: Xasan Faarax (Macallin John), Cabdiraxmaan Guhaad (Shiine), Daahir Cali Kulmiye, Yuusuf M. C. Yuusuf.  Waxaa barnaamijkii gebagebadiisii hadallo mahadnaq ah halkaa ka soo jeediyey Cabdulqaadir Faarax Jibriil.   

Hashim Duale, Hiiraan Online
London, UK
[email protected]