4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Qaaddacay shir ka Furmay Nairobi oo ay soo Qaban-qaabisay Wasaarrada Arrimaha gudaha

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadllay HOL ayaa si adag uga soo horjeestay shirka ay soo qaban-qaabisay wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka ee magaalada Nairobi uga furmay sida la sheegay mas’uuliyiinta maamulada gobollada dhexe.

“Shirkan waxaa ka horeeyay labo shir oo horay uga dhacay magaalada Muqdisho, mid ka mid ah ayaan ka qeyb-gallay, kan hadda Nairobi ka furmayna waxaa la leeyahay waa shir daba socda shirarkii horey uga dhacay magaalada Muqdisho, waxaan rabaa in aan si cad halka uga sheego shirka ka socda magaalada Nairobi anniga  oo ku hadllaya afka maamulka gobolka Hiiraan ma’aha mid na quseeya, waayo horay ayaan u cadeynay mowqifkeena ku aadan arrimaha hadda looga hadllyo shirka Nairobi,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Mar aynu weydiinay in shirka lagu martiqaaday waxaa uu guddoomiyuhu ku jawaabay’’ Haa marti-qaad rasmi ah ayaan ka hellay wasaarrada arrimaha gudaha, laakiin si cad ayaan u diiday ka qeyb-gallka shirkaas, waayo shakigii aan markii horeba ka qabay ayaa soo baxay, oo waxaa muuqata in ajandaha shirka iyo arrimaha hadda looga hadllayo isma waafaqsan,waana sababta keentay in aan ka qeyb-gallin’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in magaalada Beledweyne xiligan ku sugan yihiin xubno ka socda wasaarrada arrimaha gudaha oo ku howlan qaban-qaabaada doorashada maamul cusub oo uu yeesho gobolka, halka dhinaca kalana sida uu sheegay magaalada Nairobi  wasaarrada u dirrtay xubno ka shaqeynaya dhismaha wax loogu yeeray maamul ay ku mideysan yihiin gobollada dhexe.

“Waxaan leeyahay wasaarrada arrimaha gudaha bal ha is waafajiso qorshaheeda ku aadan gobollada dhexe waayo dhinacna waxaa ay ku howlan tahay qaban-qaabada maamul hab doorasho ku dhisma oo uu yeesho gobolka Hiiraan, dhinaca kalana waxaa ay wasaarradu ku mashuulsan tahay dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada dhexe,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in maamulka gobolka Hiiraan mar walba xushmeynayo daris wanaaga iyo in  nabad-galyo lagu wada noolaado, isaga oo dhinaca kale ku gacan seyray siyaasada la xiriirta dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada dhexe.

“Annaga ka maamul ahaan mar walba waxaan soo dhaweyneynaa deris wanaaga iyo in bulshadu nabad-galyo ku wada noolaato, laakiin horayna waan u sheegay haddana waxaa ku celinayaa arrimaha la siyaasadeynayo ee gobollada dhexe marnaba ma aqbali doono,’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Shirka magaalada Nairobi ka furmay maalintii shalay ayaa la sheegay in looga hadllayo aayaha siyaasadeed ee gobollada dhexe iyo dhismaha hal  maamul ay ku mideysan yihiin gobollada bartamaha Soomaaliya, waxaan ka qeyb-gallaya mas’uuliyiinta maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb, Galguduud iyo Shabeellaha dhexe.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gobolka Hiiraan ka mid ahaa Sideedii gobol ee Soomaaliya lagu aas-aasay, islamarkaana bulshada ku dhaqan yihiin kuwo ay ka go’do tallada ugu danbeysa ee aayaha siyaasadeed iyo mustaqlka gobolka ay la midoobayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya