4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Sicir barar ka taagan degmooyinka Qansax-dheere, Ufurow iyo Baardheere kaddib markii Al-shabaab ay xirtay jidkii isku xirayay

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Muddo toddabaad ah ayay xiran tahay waddada isku xirta degmooyinka Baardheere , Ufurow iyo Qansaxdheere oo ka kala tirsan gobollada Bay iyo Gedo, waxaana waddadaas xirtay kooxda Al-shabaab.

Waxaad la arkayaa gadiid fara badan oo xamuul ah oo ku xayiran degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyo deegaanka Awdiinel, kuwaasoo ku socday degmooyinka oo ay geyn jireen raashin iyo alaabooyin kale oo ganacsi.

Deegaannadan ayaa la sheegay inay ka jiraan sicir-barar xooggan, kaddib markii ay gaari waayeen alaabooyinkii ganacsiga iyo raashinka, iyadoo uu si aad ah u kordhay qiimaha lagu kala iibsado: Sonkorta, Saliidda, Burka iyo Shidaalka.

Gawaarida xayiran ayaa waxaa kaloo ay isku dayeen inay raadiyaan waddo kale, laakiin ma mari karaan sababtoo ah waddooyinkaas waa dhiiqo kaddib markii uu roob badan ku da’ayay maalmihii lasoo dhaafya.

Warar ayaa sheegayaan in toddobaadkan ay jireen dhaqdhaqaaq dagaal oo labada dhinaca ah, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMSIOM oo isku dhinac ah ay doonayaan inay weerarro ku qaadaan goobo aysan weli tegin.

Dhanka kale, kooxda Al-shabaab ayaa iyagana la sheegay inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, taasoo la sheegay inay ku qabsabtay inay xiraan jidkii isku xirayay degmooyinkan dhowrka ah, iyadoo waddadan ay muhiim u tahay isku xirka gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo