4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Madasha Wadatashiga Somaliland oo Xisbiyada Mucaaradka ku Wareejiyay shir Qaran oo ay horay u sheegeen inay Qabanayaan

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Madasha wadatashiga iyo toosinta ee Somaliland ayaa sheegay in shirkii ay doonayeen inay qabteen ee ay u bixiyeen   shirkii tallo qaran ay ku wareejiyeen xisbiyadda mucaaradka ah.

Siyaasiyiintan Madasha wadatashiga oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin culculus oo magac weyn ku leh Somaliland, ayaa inta badan soo bandhiga dhaliilaha xukuumada iyo sida loo toosinayo, waxaanay hore u shaaciyeen inay shir qaran oo umadda oo dhan ka soo qaybgalayaan ku qaban doonnaan wadanka gudihiisa, haseyeeshee shirkaasi waxa si weyn uga soo horjeestay xukuumadda oo ku tilmaamay arrintaasi mid ka hor imanaysa dastuurka iyo nidaamka dalka u yaalla, haseyeeshee waxay arrintaasi iskaga leexiyeen xisbiyada qaranka oo ay shirkaasi iskaga riixeen.

“Waxaanu  xisbiyada qaranka ee mucaaridka ah ka  dalbanay inay qaban qaabiyaan shir cilmiyeed lagaga hadlo Aayaha mustaqbalka Somaliland oo ay ka soo qayb galaan xisbi xaakimka, Xukuumada, baarlamaanka, wax garadka iyo madax dhaqameedka oo loo dhamaado”ayuu yidhi Maxamed Xaashi wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland oo ka hadlayey shir ay u bixiyeen tallo qaran oo ay xisbiyadda ku wareejiyeen si uu shirkaasi u qabsoomo, waxaanu intaas ku daray “labada xisbi mucaaridna waxaanu ka codsanaynaa inay qaban qaabiyaan shirkan oo aan laga hadhin sidii arimaha dalka loo toosin lahaa iyo sidii wax loo hagaajin lahaa”

“Guud ahaan anaga oo dhawrayna dastuurka qaranka iyo sharciyada ay umadu dajisatay  si looga saaro mugdiga oo qaranimada, dastuurka iyo sharciyada dalku ay noqoto mid ilaashan oo aanu ixtiraamno oo aanan ka bixin saaxada sharciyada ee dalku leeyahay waxaanu qaban qaabadii iyo qaabka loo qabanayo shirarka qaranka lagu wareejiyey labada xisbi qaranka, dhamaana wixii danaynaya inay ka soo qayb galaan shirkan wuu u furan yahay waanay ka soo qayb gali karaan”ayuu yidhi xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka hadlayey sababta ay xisbiyada mucaaradka ugu wareejiyeen shirkii talo qaran ee ay hore ugu baaqeen inay qabanayaan.

Guddoomiyaha Madasha wadatashiga Xasan Guure Jaamac ayaa xisbiyada mucaaradka  ka codsaday inay dadajiyeen wakhtiga la qabanayo shirkan ay ku sheegeen In lagaga hadlayo aayaha mustabqalka iyo sixitaanka wixii khaladaad ah ee jira.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay khalad ahayd xuskii maalntii SNM ee loo diiday inuu ka hadlay, isagoo xusay in maalmahan ku xustan qaranimada in aan la isku diideen oo aan la kala saarin muxaafad iyo mucaarad.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiintan ku bahoobay madasha wadatashiga ayaa si weyn iskaga soo horjeedaan xukuumadda, isla markaana soo bandhiga dhaliilaha xukuumadda, waxaanay sheegeen inay taageersan yihiin dhismaha wadada Ceerigaabo balse aanay xukuumadu isku koobin ee ay ka dhigto mid qaran oo ummadda ka dhexeeya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland