4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Maraakiibta & doomaha sharci-darrada uga Kalluumaysta badda Somalia oo fara kulul ku haya Degamda Xaafuun ee Gobolka Bari
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Maamulka iyo bulshada degmada Xaafuun ee gobolka Bari ayaa cabasho xooggan ka muujiyey maraakiib iyo doomo dalal shisheeye laga leeyahay oo si sharci darro ah badda uga kalluumeysta.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Xaafuun Yuusuf C/laahi (San-yare) ayaa sheegay in doomahaas oo intooda badan laga leeyahay dalalka Yemen iyo Iiran ay si joogto ah u dhibaateeyaan kalluumaysatada deegaanka.

Qalabka ay kalluumaysatada degmada Xaafuun iyo tuulooyinka hoos tagaa badda kaga dabtaan ee shabaagaha u badan iyo weliba gaadiidka yaryar ee ay ku shaqeystaan ayuu San-yare sheegay in maraakiibtaas shisheeye ay burburiyaan.

Dhacdadii ugu dambeysey ee arrintan la xiriirta ayuu sheegay inay ahayd dhowr beri kahor, markaas oo qaar kamid ah maraakiibta iyo doomaha badda sida sharci darrada ah uga kalluumeystaa ay burburiyeen qalab badan iyo labo saxiimadood (laash).

Dowladda Puntland ayaa horay u ballan qaaday in ay wax ka qaban doonto dhibaatada ay geystaan gaadiidka ay wataan dadka sida sharci darrada ah badaha Soomaaliya uga kalluumaysta.

Ciidamada badda ee Puntland ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey qabtay ku dhowaad 10 gaadiidka badda ee kalluumeysiga sharci darrada loo adeegsado ah, kuwaas oo ay la socdeen kallumaysto u kala dhashay dalalka Yemen iyo Iiran.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland