4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Maanta furay Mashruuc Ballaaran oo lagu Horumarinayo Deegaanka (SAWIRRO)

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) —
Mashruuc ballaaran oo ku aaddan horumarinta deegaanka ayaa maanta lagu daah furay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xafladdii furintaanka mashruucan oo ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU, waxaa kasoo qayb galay mas'uulyiin ka tirsan Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweyne Faroole iyo saraakiil ka socdey Midowga Yurub oo isagu dhaqaalaha mashruucaas ku baxaya ku deeqay.

Madaxweyne Faroole oo mashruucan si rasmi ah u daah furay ayaa sheegay in uu yahay mid qaybo badan ka koobnaan doona, ujeedada ugu weyn ee laga leeyahayna ay tahay in laga hortago saxarowga dhulka lana joojiyo xaalufinta lagu hayo dhirta.



"Deegaanka Eebe wuxuu inoo siiyey in aynu ka faa'iideysano, haddii aynu ka faa'iideysan weyno Ilaah ayaan ka abaal dhacnay inaguna dayac ayeynu u dhamaaneynaa" Madaxweyne Faroole oo ka hadlayey qiimaha deegaanka ayaa sidaas yiri.

Dhaqaalaha mashruucan loogu talo galay ayuu madaxweyne Faroole ugu baaqay hay'adaha maamuli doona inay qayb ka siiyaan Hay'adda Wadooyink Puntland PHA , maadaama janjeerka ku jira qaab-sameyska dhulka Puntland uu saameyn ku yeesho jidadka, gaar ahaan mararka ay roobabku da'aan.

Mashruucan oo Soomaaliya oo dhan ka dhaqan geli doona, waxaa qaybta ugu weyn heshay Puntland. Dhaqaalaha mashruucan oo gaaraya$25milyan, waxaa ku deeqay Midowga Yurub oo soo marsiiyey dhowr hay'adood oo caalami ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland