4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari oo dil ku xukuntay laba qof oo oo lagu helay inay horay dilal u geysteen (SAWIRRO)

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riddey eedeysanayeel loo soo qabtay dil shan bilood kahor magaalada Boosaaso ka dhacay.

Eedeysanayaashan oo ay tiradoodu saddex tahay, dhamaantoodna kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, waxaa lagu soo oogey dembi ah in ay si fool xun u dileen nin kale oo isna Oromo ahaa kaas oo lagu magacaabi jirey Maxamed Bashiir.

Ninka la diley oo meydkiisa xubin xubin loo jaray, waxaa lagu dhex aasay god yar oo gurigiisa laga dhex qoday. Booliska oo baritaan dheer kaddib helay xogta ku saabsan dilka ninkan, ayaa maalintii jimcaha ahayd soo faagey godka meydka lagu qariyey.



Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda kahor sheegtay in eedeysaneyaashani ay galeen dembi weyn, islamarkaana ay si fool xun u dileen qof muslim ah oo aan waxba galabsan, sidaas darteedna ay tahay in ciqaab adag la marsiiyo.

Saddexda qof oo labo ay rag yihiin waxaa ku jirta haweeney uu qabay ninka la diley oo lagu magacaabi jirey Iftin Maxamed, waxaana la sheegay in iyadu ay ahayd maskadii ka dambeysey in ninkeeda la dilo.

Eedeysaneyaashu in kasta oo qur-goynta uu midba midka kale ku riixey, waxay dhamaantood si cad u qirteen in ay dileen marxuumka geeriyoodey, iyagoo sheegay in markii hore ay dhagax madaxa kaga dhufteen, kaddib ay meydkiisa jarjareen.

Guddoomiyaha maxkamadda oo ugu dambeyntii xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in labo kamid ah dadkaas lagu xukumay dil toogasho ah, qofka saddexaad oo isagu ah nin [sida uu ku andacooday] aan arrintan wax badan kala socon, waxay maxkamaddu sheegtay in xukunkiisa dib loo dhigay.

Falka dadka maanta la xukumay loosoo qabtay, ayaa ahaa mid bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari ay si weyn uga argagexeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland.