4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Magaalada Mombasa ee dalka oo laga Dareemayo Xiisado colaadeed kaddib Markii lagu dilay laba Wadaad oo Masiixiyiin ah

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed, kaddib laba toddobaad markii lagu dilay magaaladaas wadaad muslim ah kaasoo lagu rasaaseeyay gaari uu la socday bartamaha magaaladaas.

Charles Matole oo ahaa madaxa kaniisadda Redeemed Gospel Church ayaa laga helay maydkiisa gudaha kaniisadda aroornimadii Axadda, xilli ay dadka masiixiyiinta ah isku diyaarinayeen inay ku cibaadeystaan kaniisaddaas.

“Waxaan helnay maydkiisa iyadoo dhiib badan uu ka baxay madaxiisa,” ayuu Morris Cali oo ka tirsan kaniisadda, isagoo sheegay in dhowr jeer oo hore loo soo diray fariimmo hanjabaad ah, balse aysan garanayn illaa hadda cidda ka dambeysa dilkiisa.

Sidoo kale, waxaa lagu dilay deegaanka Kilifi oo 60-km Waqooyi kaga beegan magaalada Mombassa wadaad masiixi ah oo lagu magacaabo, Ibraahim Kidata, iyadoo maydkiisa laga helay meel ku dhow goob lagu dabaasho.

Ku xigenka afhayeenka maamulka deegaanka Kilifi, Teddy Mwambire ayaa u sheegay warbaahinta in wadaadka la waayay Sabtidii, lana helay maydkiisa iyadoo jirkiisa laga helay dhaawacyo.

Magaalada Mombassa ee dalka Kenya ayaa waxaa ka tagnaa toddobaadyadii lasoo dhaafay xiisado ka dhacay dilka Sheekh Ibaahim Ismaaciil oo ay kula dhinteen gaarigii uu watay saddex qof oo kale 03-dii bishan Oktoobar.

Rabashado ka dhashay dilka wadaadkan muslimka ah ayaa sababay inay dhintaan safar qof, balse ciidamada ammaanka ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay xaaladda dajiyaan.

Xiisaddan cusub ee ka taagan Mombasa ayaa laga baqdin qabaa inay dhaliso isku dhacyo  dhexmara Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ku nool magaaldaaas, iyadoo magaaladan ay tahay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya