3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Xaaladda Wariye Tima-cadde oo ka soo Raynaysa iyo Aabbihiis oo Sheegay inuu Masuugsan yahay ku daweyntiisa Soomaaliya

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Xaaladda wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo shalay la dhaawacay ayaa xaaladdiisa caafimaad ay kasoo raynaysaa iyadoo aabbihii uu sheegay inuu aad u masuugay in lagu daweeyo gudaha Soomaaliya.

Wariyaha ayaa waxay kooxo hubeysan shalay ku dhaawacmeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dhaawaca wariyahan, balse madaxda dowladda ayaa ku baaqay in kooxihii dhaawacay wariyaha sharciga la horkeeno.

“Runtii xaaladda caafimaad ee Tima-cadde aad ayay u soo hagaaraysaa tan iyo shalay markii qalliinka lagu sameeyay, qofkii u yimaadana wuu garan karaan,” ayuu yiri Maxamuud Cali Faarax oo ah aabbaha dhalay Tima-cadde.

Maxamuud Cali oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inuu masuugsan yahay daweynta magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay inay rajeynayaan in ay u qaadaan dibadda si loogu soo daweeyo.

“Inkastoo qalliin wanaagsan lagu sameeyay Tima-cadde haddana waxaan aad u masuugsanahay ku daweyntiisa Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in lo qaado caafimaad dibadda ah,” ayuu Faarax hadalkiisa raaciyay.

Tima-cadde ayaa ka dhaawacmay qaybaha sare ee jirka, iyadoo la sheegay in dhowr xabbadood laga saaray jirkiisa, waxaana aabbihii uu warbaahinta u sheegay in dhaawaca ka gaaray qoorta uu aad u daran yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/23/2013 1:06 PM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Banjul ee dalka Gambia ka socda shirka xuquuqul insaanka Afrika, waxaana si xoog leh uga qaybgalaya bushada rayidka Soomaaliyeed iyagoo si weyn uga hadlayay dhibaatada ka jirta dalka, gaar ahaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka.

10/23/2013 12:24 PM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Muddo toddabaad ah ayay xiran tahay waddada isku xirta degmooyinka Baardheere , Ufurow iyo Qansaxdheere oo ka kala tirsan gobollada Bay iyo Gedo, waxaana waddadaas xirtay kooxda Al-shabaab.

10/23/2013 11:40 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Hay’adda samaflka International Human Development Organization oo ah hay’ad ka howlgasha dalka Canada ayaa waxay gargaar hilbo ah ka qaybisay deegaanno Soomaaliya ka tirsan iyo xerada Qoxootiga Xagar-dheer oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

10/23/2013 11:32 AM EST
Inkastoo muuqaalo laga helay kaamirooyinkii ku xirnaa xarunta Westgate ay muujiyeen ciidamada Militariga oo wata baco alaabo ay ku jirto ayaa Taliyaha ciidamada militariga dalka Kenya General Julius Karangi uu ku adkaystay in ciidamada militariga Kenya aysan waxba xadin markii uu socday weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate.

10/23/2013 11:19 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Madasha wadatashiga iyo toosinta ee Somaliland ayaa sheegay in shirkii ay doonayeen inay qabteen ee ay u bixiyeen shirkii tallo qaran ay ku wareejiyeen xisbiyadda mucaaradka ah.

10/23/2013 11:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa sheegay in la rasaaseeyey, isagoo eedda dusha ka saaray wasiirka warfaafinta iyo wasiirku xigeenka amniga Somaliland.

10/23/2013 10:42 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Maamulka iyo bulshada degmada Xaafuun ee gobolka Bari ayaa cabasho xooggan ka muujiyey maraakiib iyo doomo dalal shisheeye laga leeyahay oo si sharci darro ah badda uga kalluumeysta.

10/23/2013 9:38 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Mashruuc ballaaran oo ku aaddan horumarinta deegaanka ayaa maanta lagu daah furay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

10/23/2013 8:00 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay ansixiyeen qodobbo ka mid ah xeer-hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo wax ka bedel lagu sameeyay.

10/23/2013 7:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riddey eedeysanayeel loo soo qabtay dil shan bilood kahor magaalada Boosaaso ka dhacay.

10/23/2013 3:43 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed, kaddib laba toddobaad markii lagu dilay magaaladaas wadaad muslim ah kaasoo lagu rasaaseeyay gaari uu la socday bartamaha magaaladaas.

10/23/2013 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareeyay dhawixii shalay loo geystay wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde, isagoo ku tilmaamay mid fool xun, xukuumadduna ay sharciga horkeeni doonto kuwii ka dambeeyay.

10/23/2013 2:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Xiisad colaadeed ayaa mar kale ka taagan magaalada Taleex ee gobolka Sool, kaddib markii uu halka tagay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jan. Cabdisamad Cali Shire iyadoo maamulka Khaatumo ay sheegeen in shikoodii dhisidda maamulku uu si KMG ah u furan yahay.