4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Xiisad Colaadeed oo ka Taagan Magaalada Taleex; Kaddib Markii uu Gaaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Xiisad colaadeed ayaa mar kale ka taagan magaalada Taleex ee gobolka Sool, kaddib markii uu halka tagay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jan. Cabdisamad Cali Shire iyadoo maamulka Khaatumo ay sheegeen in shikoodii dhisidda maamulku uu si KMG ah u furan yahay.

Beelaha deegaanka degmada Taleex oo colaado dhiig ku daatay oo socday laba sano lasoo afjaray toddobaadyo ka hor ayaa u arka in qaarkood lagu soo duuley oo colaadii hore la hurinayo.

Waxaana muuqata gurmad xoog badan oo ka imaanaya deegaano ku dhow-dhow degmadaas oo ay ka mid tahay Carooley, God'aalo iyo qaar kale oo ka tirsan degmadaas.

Imaanshaha C/samad Cali Shire ee Taleex ayaa salka ku haya ballan-qaad uu bishii aan soo dhaafnay ku sheegay inaan degmadaas wax shir ah oo maamulka Khaatumo leedahay lagu qaban karin, taas uu mar kale ku celiyay.

Shirka maamulka Khaatumo oo la sheegay in la furay, balse aanay meesha joogin waxa mas’uuliyiintii maamulkaas ka tirsan ah iyadoo lagu tilmaamay khilaafkii ugu ba'naa ee maamulkaas soo dhexgala muddo labada sano ku siman; iyadoo madaxweynayaasha maamulkaas oo qaarkood ku sagan yihiin halkaas shir la sheegay in laga furay.




Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool