4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 22, 2013
Ka qayb-qaado Dhismaha Dabaqa Labaad ee Masjidka Bardaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 22, 2013 (HOL) — Waxaa durbaba heer gabo –gabo ah maraya qeybta labaad ama dabaqa labaad ee masaajidka Bardaha ee magaalada Beledweyne oo ay siweyn isaga xil saareen dhismahiisa bulshada ku dhaqan ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Cismaan Max’ed Cilmi [Caato] oo ka mid ah howladeenada dhismaha masjidka ayaa HOL u sheegay in dhawaan la filayo shubka qeybta labaad ama dabaqa labaad ee masjidka.

“Waad arkeysaan durbaba waxaa la guda-gallay dhismaha dabaqa labaad ee masjidka Baradaha, runtii waa arrin aad loogu farxo in mudo Lex bilood gudaheed uu dhameystir ku dhaw yahay dabaqa labaad, waxaana arintaa siweyn uga mahad celineynaa cid kasta oo gacan ka geystay, gaar ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne oo xil gaar ah iska saaray in uusa joogsan dhismaha masjid.

Cismaan Caato ayaa ugu baaqay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool, gaar ahaan Jaaliyada Hiiraan in ay gacan ka geystaan shubka qeybta labaad ee masjidka, madaama intii horeba sida uu sheegay ay soo wadeen dad muxsiniin ah oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

“Waxaan leenahay walalayaal ka qeyb-qaata dhismaha qeybta labaad ama dabaqa labaad ee masjidka Bardaha, waxaa hubaal ah in wax kasta oo aad ku darsato masjidka aad u aayi doonto maalinta danbe [Akhiro] waayo waa sadaqo Jaariya,’’ ayuu yiri Cismaan Caato.

Masjidka Bardaha ayaa ah masjid facweyn oo ay ka aflaxeen ama diinta Islaam-ka ka barteen mashaa’iiq siweyn loo garanayo iyo waliba shaqsiyaad xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxaana xusid mudan in ka hor inta aan la dumin masjidka uu maalin walba marti-galin jiray boqolaal ardey ah oo ka raacan jirtay culuunta la xiriirta shareecada Islaam-ka.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online         
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya