4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2013
Booliska gobolka Bari oo gacanta kusoo dhigay labo nin oo shalay dhac ka geystey suuqa dahabka ee Boosaaso (SAWIRRO)

Talaado, Oktoobar 22, 2013 (HOL) — Ciidamada booliska ee magaalada Boosaaso ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo shalay dhac u geystey qaar kamid ah dukaammada dahabka ee suuqa magaalada Boosaaso, islamarkaana diley haweeney kamid ahayd kuwa dahabka iibiya.

Taliye ku-xigeenka booliska gobolka Bari iyo duqa degmada Boosaaso oo si wadajir ah shir-jraa'id u qabtay, ayaa warbaahinta usoo bandhigay labada nin ee falkaas loosoo qabtay kana warbixiyey qaabkii ay ku suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo.



Axmed Muuse Yuusf (Jaqanaf) oo isagu ah taliye ku-xigeenka booliska gobolka Bari ayaa sheegay in laga soo bilaabo shalay abbaare 2:00 duhurnimo oo falkaasi uu dhacay ay wadeen baaritaan ku aaddan sidii dambiileyaasha falkaas geystey looso qaban lahaa.

Saaka 8:00-dii subaxnimo ayuu taliyuhu sheegay in laga soo qabtay guri ku yaalla xafadda New Boosaaso ee koonfurta magaalada Boosaaso, isagoo sidoo kale sheegay in la helay inta badan dahabkii ay dhaceen.

Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan oo isna warbaahinta la hadlay ayaa falkii dhaca iyo dilka isugu jirey ee shalay suuqa magaalada Boosaaso ka dhacay ku tilmaamay wax aad u foolxun oo laga naxo.

" arrintaasi waxay ahayd mid aad iyo aad u foolxun...waxay ahayd dhacdo naxdin leh...waxan halkan aad iyo aad uga mahadcelinaya ciidanka amniga howshii fiicneyd ee xirfadda lahayd ee ay kusoo qabteen dambiileyaasha" duqa Boosaaso ayaa yiri.

Haweenka shalay la dhacay oo iyaguna ku sugnaa goobta labada nin ee eedeysaneyaasha ah warbaahitna loogu soo bandhigayey, ayaa muujiyey dareen farxad leh oo ku aadan soo qabashada kuwii dhibka u geystey.

Canab Jaamac C/laahi oo haweenkii shalay la dhacay kamid ahayd ayaa sheegtay in ay si aad ah ugu faraxsan tahay in lasoo qabto kuwii xoolahooda dhacay islamarkaana diley saaxiibtoodii ay wada ganacsan jireen.

" marka hore waxan u mahadcelinayaa ilaaha nagu guuleeyey in lasoo qabto kuwii na dhacay nafteenana gooyey, marka xiga waxan u mahadcelinayaa ciidamadeena amniga oo iyaguna ku guuleystey in ay dembiileyaasha soo qabtaan" Canab ayaa tiri.

Falkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada Boosaaso  iyo guud ahaan deegaanada Puntland, waxaana dahabka shalay la dhacay uu ahaa 1,000g oo marka lacag ahaan loo bedelo u dhiganta $45,000.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland