4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 22, 2013
Kooxo Hubeysan oo saakay Degmada Wadajir ku Dhaawacay mid ka mid ah Wariyeyaasha Telefishinka Universal


Talaado, Oktoobar 22, 2013 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa saaka degmada Waadjir ee gobolka Banaadir ku dhaawac ugu geystan wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo ka Telefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal, iyadoo dhaawiciisa ka la dhigay isbitaalka Madiina.

Wariyaha ayaa la sheegay in shan xabbadood lagu dhuftay kuwaasoo kaga dhacay qaybaha sare ee jirka iyo qaybaha hoose, waxaana haatan ku jiraan qalliin, iyadoo xaaladdiisa aan waxba laga sheegi karin.

“Tima-cadde oo saaka kasoo baxay gurigiisa ayaa gaari uu watay waxaa lagu dhuftay gaari ay wateen kooxaha hubeysan, kaddibna rasaas ayaa lagu furay, sidaas ayuuna ku dhaawacmay,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha Universal oo ku sugan isbitaalka Madiina.

Dhaawaca wariyaha ayaa waxaa goobta kasoo qaaday dad shacab ah kuwaasoo geeyay isbitaalka Madiina, iyadoo kooxihii dhaawiciisa geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Wariyaha ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inuu hanjabaadyo kala kulmay Al-shabaab, balse lama oga kooxaha dhaawiciisa geystay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin iyo in kale.

Maamulka degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin dhaawaca wariyaha loogu geystay degmadaas, iyadoo degmadaas lagu dilay sannadihii lasoo dhaafay dhowr wariye oo ka howlgeli jiray warbaahinta kala duwan ee Muqdisho.

Soomaaliya ayaa lagu sheegayaa inay tahay dalka ugu khatarta badan ee ay ka howlgalaan wariyeyaasha, waxaana sannadkan lagu dilay Soomalaiya afar wariye oo intooda badna lagu dilay magaalada Muqdisho.

Tima-cadde ayaa wuxuu kasoo shaqeeyay dhowr hay’adood oo warbaahin Muqdisho, isagoo sidoo kale hadda la shaqeynayay idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgalka caasimadda Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dhaawaca wariye Tima-cadde waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya