4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Siyaasiyiinta iyo Xildhibanno Kenyan ah oo dadaal xooggan ugu jira sidii loo xiri lahaa Xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab-Kenya

Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan guddiyada difaaca iyo amaanka baarlamaanka Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loo xiri lahaa xeryaha qoxootiga  Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan in ka badan nus-malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah.

Ololaha ay siyaasiyiinta iyo xildhibaanadu wadaan ayaa wuxuu yimid kaddib markii bishii hore ay xoogagga Al-shabaab weerareen dhismaha ganacsi ee Westgate Mall, taasoo ay afar maalmood gacanta ku hayeen ayna natooda ku waayeen 67-qof oo shacab iyo ciidammo ah.

“Xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa wada olole weyn oo ay ku doonayaan in albaabbada la isugu dhufto xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku jiraan qoxooti Soomaaliyeed,” ayaa u sheegay Barshiir Maxamed oo siyaasiy iyo ganacsade kasoo jeeda Soomaalida-Kenya wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Mudane Asman Kamama oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Kenya ayaa ka dalbaday xukuumadda Kenya inay xirto xeryaha Qoxootiga Dhadhaa, isagoo sheegay inay yihiin goobaha ay ka yimaadaan kooxaha dhibaatada ka geysanaya dalkooda.

“Dowladda Kenya waa inay si dhaqso ah ku xirtaa xeryaha qoxootiga ee ku yaalla gudaha dalkeenna, ayna dadka ku jira dib ugu celiso deegaannada laga saaray Al-shabaab ee ku yaalla Soomaaliya,” ayuu yiri Kamama.

Balse hay’adaha xuquuqda aadanaha ee caalamka ayaa uga digay dowladda Kenya inay si khasab ah dalkeeda uga saarto qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool, iyagoo sheegay inaysan Soomaaliya xilligan ka jirin deegaan nabad ah oo ay qoxootigan ku laaban karaan.

Xukuumadda Kenya ayaa horay heshiis ula gashay xukuumadda Soomaaliya taasoo ku aadanayd in dib loo celiyo qoxootiga Soomaalida ah ee Kenya ku nool, inkastoo howshaas uu hakad ku yimid kaddib markii la sheegay inaan la heli karin goob ay qoxootigu ku labataan.

Ugu dambeyn, siyaasiyiinta iyo xidlhibaannada dalka Kenya ayaa waxay ku sheegeen warar ay warbaahinta siiyeen inaysan dadaalkooda joojin doonin tan iyo inta ay ka hirgalayso in la xiro xeryaha qoxootiga Dhadhaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya