4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Madaxweynaha Puntland iyo Danjire Nicholas Kay oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole ayaa maanta kula kulmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay oo maanta booqasho ku tagay Puntland.

Kulanka kaddib ayaa madaxweynaha Puntland iyo Key waxay si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id, wuxuuna Faroole sheegay inay kawada haldeen arimo ay ka mid yihiin amniga iyo doorashooyinka soo socda ee Puntland ka dhici doona  bisha Jannaayo ee sannadka soo socda ee 2014-ka.

“Haddii aan xafiiska dib ugu soo laabanno sannadka 2014-ka waxaan ballan-qaadayaa inaan dib u furi doono hannaankii xisbiyada ee horay loo joojiyay, si Puntland aan ugu soo dabaalno dimuqraadiyad,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole.

Sido kale, madaxweynaha Puntland ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday inay baarlamaanka u soo xulaan hab waafaqsan shuruuda dastuurku qorayo, isagoo xusay in baarlamaanka cusub laga doonayo inuu noqdo xubno ka kala yimaada dhammaan deegaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in maamulkiisu uu amniga adkeyn doonto inta ay socoto doorashada, wuxuuna xusay in Puntland ay xilligan u bisishahay inay khilaafaadyadeeda iyadu xallisato oo aan lasoo dhex-gelin.

Intii uu shirka jaraa’id socday madaxweynaha Puntland marna ma soo hadal qaadin khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda Somalia, isagoo goobta ka sheegay in wixii ku saabsan khilaafka u dhexeeya maamuka uu madaxda u yahay iyo dowladda Soomaaliya laga hadli doono xilligeeda.

Dhanka kale, waxaa isaguna goobta ka hadlay, dajire Nicholas Kay isagoo ku billaabay hadalkiisa inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale booqdo Puntland; wuxuuna sheegay in wadahadalkii dhexmaray isaga iyo Faroole uu ahaa mid miro-dhal ah.

“Halkaan waxaan u imid sidii aan madaxda Puntland ugu sheegi lahaa inaan doonayno inaan si dhow ula soconno doorashada bisha Jannaayo ee 2014-ka ka dhacaysa Puntland,” ayuu yiri Kay, isagoo intaas ku raaciyay. “Xubnaha u sharraxan xilka madaxnimo ee Puntland waa inay noqdaan kuwo waafqsan sida dastuurka Puntland uu qabo, saxaafadana aan la caburin, ayna noqonto mid uu ka hadli karo musharax kasta oo xil doon ah.”

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii labaad oo madaxa xafiiska UNSOM uu ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo booqashadii ka horreysan middan uu ku tagay markii xafiiska loo magacaabay bartamihii sannadkan 2013-ka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya