4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Wasiirka caafimaadka Somaliland oo dhagax-dhigay Mahadka caafimaad ee Gobolka Sool oo laga dhisayo Laascaanood (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Wasiirka caafimaadka Soomaliland, Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha machadka caafimaadka gobolka Sool, kaasoo laga dhisayo magaalada xarunta ah ee Laascaanood.

Mudane, Xagla-toosiye ayaa saaka soo gaarey magaalada Laascaanood isagoo soo maray xarumaha caafimaadka sida isbitaalka MCH-yada iyo jaamacada Nugaal kaddibna wuxuuna dhagax dhigay machadka caafimaadka gobolka Sool oo laga dhisi doono meel aan ka fogeyn isbitaalka guud.

Wasiirka ayaa dhagax-dhigga kaddib wuxuu u mahad celiyey dadkii ku soo dhaweeyay  magaalada Laascaanood, waxaanu ballan-qaaday inuu wasaarad ahaan wax badan ka qaban doono caafimaadka gobolka Sool.

Mas’uuliyiinta caafimaadka gobolka Sool oo uu u horreeyo, Dr. Muuse Geelle oo ah isku duwaha caafimaadka gobolka Sool iyo Dr. Cabdi Max’ed Buraale ayaa ka war-bixiyay caafimaadka gobolka iyo dhibaatooyinka ka taagan.

Sidoo kale, Saleebaan Ciise ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu yimaado magaalada Laascaanood intii uu xillalka ka hayay maamulka Somaliland iyo ka horba; waxaana dadka badankoodu eegayaan waxa ka hir-gala ballan-qaadyada uu maanta sameeyay.




Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool