4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Somaliland oo Dowladda Itoobiya kala wareegtay Tahriibayaal Somali ah oo laga soo qabtay Xuduudda Suudan iyo Itoobiya


Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Laanta Socdaalka Somaliland ayaa dawladda Itoobiya kala wareegay dhalinyayaro tahriibayaal Soomaali ah oo lagu soo qabtay xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan.

Tahriibayaashan gacanta dawladda lagu soo wareejiyey ayaa ka kooban 33 dhalinyaro ah oo rag iyo dumar iskugu jiray , kuwaas oo doonayey inay tagaan liibiya si ay Yurub u beegsadaan, haseyeeshee waxa ciidamada Itoobiya ku soo qabqabteen Xuduudda Suudaan iyo Itoobiya u dhexeysa, waxaana dib loogu soo celiyey magaalo xuduudeedda Wajaale oo ay kala soo wareegeen ciidamada laanta socdaalka Somaliland.

Saddex iyo sodankan dhalinyaro ee tahriibayey ayaa iskugu jiray Somaliland iyo Soomaaliya,kuwaas oo  intii eheladoodda la gartay qoysaskooda lagu wareejiyey intii aanay qoysaskoodu magaaladda joogina  magaaladda lagu sii dhex daayey si uu qof waliba halkii uu ka yimid ugu noqdo.

Inta aan la siideyn dhalinyaradan ayaa loo sameeyey xaflad lagu wacyigelinayey, waxaana ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bushada,Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland, waxaanay dhalinyaradan la soo celiyey ku waaniyeen inay wadankooda aaminaan, isla markaana aanay naftooda u horseedin halaag iyo dhimasho.

Sidoo kale, tahriibayaashan oo iyaguna xafladda ka hadlay ayaa ka sheekeeyey dhibaatadii ay mareen  iyo halista uu tahriibku leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada shaqeeya soo celinta dadka tahriirbka ah, waxaana dhawr maalmood ka hor Itoobiya dib usoo celiyey dhalinyaro kale oo tahriibiyey, kuwaas oo ay ku wareejiyey Ciidamada laanta socdaalka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland