3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo maanta si rasmi ah goboladda uga bilaabay Tallaalka Cudurka halista ah ee Dabaysha

Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Gobolladda iyo Degmooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi waxa uga bilaabmay talaalka cudurka Dabaysha oo la sheegay inuu ka dilaacay dalalka Jaarka ah.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda UNICEF iyo WHO ayaa dhamaan gobolada u kala dirtay kooxo ka tallaalka caruurta iyo dadka waaweyn Dabaysha, kuwaasoo shaqadooodii saaka ka bilaabay dalka.

Madaxweynaha Somaliland iyo wasiiraddiisa ayaa iyagu dhibcihii u horeeyey ee talaalka ku qaatay xarunta madaxtooyada, kuwaas oo dadweynaha ugu baaqay inay is talaalaan si cudurkaasi oo naafo  iyo dhimashaba keena looga hortago.

“Waxaan ku guubaabinayaa dadka, uguna baaqayaa inay qaataan talaalkan. Waxaan ilaahay uga rajeynayaa inuu caafimaad inna wada siiyo”ayuu yidhi Madaxweyne  Axmed Siillaanyo oo dadweynaha ku boorinayey inay talaalka qaataan.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa sheegay inay u qorsheeyeen inay ka qaybqaataan ololaha talaalka 1670 kooxood oo min laba qof ka kooban kuwaas oo loo kala qaybiyey dhamaan gobolada oo dhan, waxaanu sheegay inuu talaalku socon doono toddoba cisho.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in talaalka Cudurka Dabaysha uu hore ugu koobnaa uun Caruurta, balse hadda lagu daray dadka waaweyn, maadama oo la arkay dadwaaweyn oo uu cudurakaasi ku dhacay, sidaa darteed laga hortagayo inta aanu bulshadda soo gaadhin.

Si kastaba ha ahaatee,waxa labadii dhibcood ee u horeeyey lagu bilaabay madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah wasiiradda, kuwaas oo dhamaantoodba dadka ugu baaqay inay is talaalaan si looga badbaado cudurkaasi Dabaysha oo keena naafo iyo geeriba.

Cudurkan ayaan lahayn dawo ka hor tag mooyee, sidaa darteed waxay masuuliyintii halkaasi ka hadashay dadweynaha ka codsadeen  inay si fiican ula shaqeeyaan kooxaha talaalka isla markaana caruurta ay talaalaan, maadaama oo dawooyinka la siinaya bilaash yahay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
10/20/2013 2:08 PM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay kaga doodeen hirgelinta nidaamka xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha baarlamaanka.

10/20/2013 1:36 PM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan guddiyada difaaca iyo amaanka baarlamaanka Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loo xiri lahaa xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan in ka badan nus-malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah.

10/20/2013 1:19 PM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole ayaa maanta kula kulmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay oo maanta booqasho ku tagay Puntland.

10/20/2013 12:57 PM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Wasiirka caafimaadka Soomaliland, Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha machadka caafimaadka gobolka Sool, kaasoo laga dhisayo magaalada xarunta ah ee Laascaanood.

10/20/2013 10:37 AM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Wafdi ka socday xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirrka Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed iyo wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo maalintii shalay uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen dad rayid u badnaa.

10/20/2013 9:03 AM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Laanta Socdaalka Somaliland ayaa dawladda Itoobiya kala wareegay dhalinyayaro tahriibayaal Soomaali ah oo lagu soo qabtay xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan.

10/20/2013 9:01 AM EST
Axad, October 20, 2013(HOL):- Dhowrkii Bilood ee ugu dambeeyey gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka soconayey Howlo balaaran oo isugu jirta dib u dhis iyo balaarin lagu sameynayey Masjidka Jaamaca ee Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baardheere oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 320sano oo ahayd xilligii Baardheere la degay,iyadoo ujeedada dhismaha Masjidkuna ay tahay Balaarin iyo dib u habeyn.

10/20/2013 8:51 AM EST
Axad, October 20, 2013(HOL) :- Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose wafdi ballaaran oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.

10/20/2013 7:52 AM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan laga soo qaaday maanta qaar ka mid ah dadkii qabay dhaawacyada culus ee wax yeeladu kasoo gaartay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne, si loogu soo daweeyo Muqdisho.

10/20/2013 7:32 AM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda ciidamada ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kulan wadatashi ah kula yeeshay Kismaayo hoggaaminaya mamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

10/20/2013 3:56 AM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Xaflad sagootin ah oo xalay magaalada Muqdisho loogu sameeyay fanaanadda weyn ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) bishii lasoo dahafay dalka kusoo laabatay kaddib 22-sano oo ay ka maqnayd, waxaana xafladdan ka qaybgalay haween ay ka mid yihiin marwooyinka madaxda dalka.

10/20/2013 3:38 AM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya inay u gurmadaan dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Baladweyne shalay oo Sabti ahayd.

10/20/2013 3:22 AM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobollada Bay iyo Gedo ayaa waxaa la sheegay inay ku wajahan yihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ka mid ah degmooyinka ay ka taliso Al-shabaab.

10/20/2013 3:10 AM EST
Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Saddex ka mid ah dadkii ay dhaawacyada culus kasoo gaareen weerarkii ismiidaamin ee shalay ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa xalay ku geeriyooday isbitaalka magaaladaas, iyadoo tani ay ka dhigayso dadkii weerarkaas ku dhintay 19-qof.