4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Dowladda Soomaaliya oo Maanta gaaray Kismaayo



Axad, October 20, 2013(HOL) :- Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose wafdi ballaaran oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Mudane C/raxmaan Kulmiye iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, waxaana markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo uu hogaaminayay kuxigeenka madaxa maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Wafdiga ayaa intaa kadib loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Kismaayo, iyadoona uu halkaasi uga sii horeeyay hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoona sidoo kale la arkayay ciidamo aad u tiro badan oo daadsanaa wadooyinka isku xira garoonka diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada Kismaayo.

Wasiirka arimaha gudaha oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay u yimaadeen in masuuliyinta maamulka Jubba iyo dadka deegaanka ay la kulmaan islamarkaana kala tashadaan arimaha siyaasadda Jubooyinka.

Hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wafdiga maanta soo gaaray Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay kulmi doonaan islamarkaana ay arki doonaan waxyaalaha ay la yimaadaan.

Wafdigan ayaa daba socday iyadoo maalmo kahor magaalada Kismaayo ay gaareen wufuud ka socotay AMISOM, kuwaasoo kulamo la qaatay madaxda maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Jubooyinka.

Wafdiga ayaa caawa baryi doona Kismaayo, waxaana imaatinka wafdigan uu kusoo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay hore u iclaamisay in 21-ka bishan shir dib u heshiisiineed oo ay isugu imaanayaan dhinacyada ku muransan siyaasadda Jubooyinka uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, walow hogaamiyaha maamulka Jubba uu shaaciyay in uusan ka qeybgeli doonin shirkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.