4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne oo Maanta lasoo qaaaday lana keenay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan laga soo qaaday maanta qaar ka mid ah dadkii qabay dhaawacyada culus ee wax yeeladu kasoo gaartay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne, si loogu soo daweeyo Muqdisho.

Diyaarad gaar ah oo ay soo dirtay dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacyadan ka qaadday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne, kuwaasoo ay tiradoodu ahayd 18-qof oo qaarkood qaba dhaawacyo culus qaba.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo ayaa ka mid ahaa xubnihii dhaawacyadan kasoo raacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoo lasoo gaaray Muqdisho.

Qaar ah ka mid ah ciidamada AMISOM ayaa la socday diyaaraddii maanta dhaawacyada kasoo qaaday Baladweyne, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kaga hortageen xubno wasiirro ah.

“Dhaawcyadu waa miyir qabaan waxaana 14 ka mid ah ay xaaladoodu tahay mid aad u culus. Dhaawacyada oo dhanna waa rag kumana jiraan caruur iyo haween,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiintii la socday wafdigan.

Isbitaal ku yaalla xerada Xalane oo ay leedahay AMISOM ayaa dhaawacyada la dhigay, si halkaas loogu daweeyo, iyadoo dhaawacyadan ay diyaaraddii ka keentay Baladweyne ka dajiyeen gadiidka gargaarka deg-degga ah ciidanka AMISOM ay leeyihiin.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya