4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Taliska AMISOM oo sheegtay in kulan wadatashi ay la yeelay hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe

Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda ciidamada ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kulan wadatashi ah kula yeeshay Kismaayo hoggaaminaya mamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Wafdigan oo uu hoggaaminayay ergayga Midowga Afrika ee arrimaha dalka Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa looga hadlay fulinta qodobbada heshiiskii maamulkan iyo dowladda Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, kaasoo qodobbadiisa ay ka mid ahaayeen in ciidamada Kismaayo ku sugan ay ku biiraan kuwa dowladda.

Labadan dhinaca ayaa waxay kulankooda kusoo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda iyo ammaanka gobollada Jubbooyinka iyo sidii wax looga qaban lahaa, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in qorshaha dib u habeynta maleeshiyooyinka uu yahay mid kaalin muhiim ah ka qaadan kara howlaha dalka lagu nabadeynayo.

Ergayga ayaa sheegay in wafdigoodu uu u ballanqaaday hoggaamiyaha KMG ee Jubba inay ka go’an tahay sidii dalka Soomaaliya ay nabad ugu soo celin lahaayeen, ayna qaybtooda ka qaadan doonaan fulinta heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu gaaray, sidoo kalena ay xoojin doonaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Dhanka kale, hoggaamiyaha maamulka Jubba ayaa isaguna muujiyay sida warsaxaafadewedka lagu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu wafdigan ka socda AMISOM ku tagay Kismaayo, ayna ka go’an tahay inuu si dhow ula shaqeeyo AMISOM iyo dhinacyada kale ee ku howlan soo celinta nabadda Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay AMISOM ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli lagu wado in madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maalmaha soo socda booqasho ku tagaan Kismaayo, si loo xalliyo khilaaf cusub oo soo dhex-galay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya