4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Xaflad Sagootin ah oo Xalay Muqdisho loogu Sameeyay Fannaanadda Weyn ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hudoon (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Xaflad sagootin ah oo xalay magaalada Muqdisho loogu sameeyay fanaanadda weyn ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) bishii lasoo dahafay dalka kusoo laabatay kaddib 22-sano oo ay ka maqnayd, waxaana xafladdan ka qaybgalay haween ay ka mid yihiin marwooyinka madaxda dalka.

Munaasabadda oo lagu qabtay madaxtooyada ayaa waxaa qabanqaabadeeda lahaa marwooyinka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Qamar Cali Cumar iyo Caasho Xaaji Cilmi oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xiggeen ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, marwada guddoomiyaha baarlamaanka, Xaawo Ibraahim, guddoomiyaha bangiga dhexe, Yusur Abraar, xildhibaannada haweenka ah ee baarlamaanka ku jira iyo abwaaniin ayaa ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay xafladda sagootinta ah.

Fannaaniinta hobollada waaberi ayaa waxay halkaas ka qaadeen heeso ay ugu talo-galeen fanaanadda Hibo Nuura, iyadoo la arkayay mararka qaar fanaanadda oo ku milmaysa fannaaniinta heesayay.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo xildhibaannada haweenka ah ee ku jira baarlamanaka Soomaaliya ayaa halkaas Shahaado Sharaf gaar ah ku guddoonsiisay fannaanada Hibo Nuura, taasoo ay sheegeen inay u garteen fannaanada iyo sida geesinimada leh ee ay dalka ugu soo laabatay.

Dhanka kale, fanaanadda Hubo Nuura ayaa heeso aad u qiiro badan kusoo bandhigtay halkaasi taaso wax badan ka badashay dareenkii mas’uuliyiintii iyo dhammaan dadkii ka qaybgalay munaasibadda lagu sagootinayay.

Munaasabadda ayaa socotay illaa saqdii dhexe ee xalay, iyadoo fannaanada lagu guubaabiyay inay dalka dib ugu soo laabato ayna ka qaybqaadato sidii nabadda lagu soo celin lahaa, waxaana fannaanada lagu wadaa inay maanta ka dhoofo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalkii ay markii hore ka timid ee Jarmalka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya