4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Ciidammo Soomaali iyo Itoobiya ah oo kaabiga ku haya degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo ay ka taliso Al-shabaab

Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobollada Bay iyo Gedo ayaa waxaa la sheegay inay ku wajahan yihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ka mid ah degmooyinka ay ka taliso Al-shabaab.

Wararka laga helayo degmoooyinka Bardaale ee gobolka Bay iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamadan oo lugeynaya ay shalay gellinkii dambe ka baxeen degmooyinkaas iyagoo ku wajahan Waajid.

“Degmada Waajid waxaa ka jirta cabsi weyn, waxaana qarka u soo fuulay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isla socda, Al-shabaabna dhaqdhaqaaqyo ayay billaabeen,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Waajid.

Ma jiro hadal kasoo baxay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ku saabsan qorshahoodan ay ku weerayaan degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Al-shabaab ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa dhawaan sheegay inay isku diyaariyeen inay Al-shabaab kala wareegaan goobaha ay kaga sugan tahay gobolladan, inkastoo aysan sheegin xilliga ay howlgalladooda billaabayaan.

“Waxaa noo qorsheysan inaan kala wareegno Al-shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, diyaargarowgeenuna waa mid aan soo gaba-gabeynay,” ayuu yiri Jen. Ibraahim Yarow oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobollada koonfurta Soomaaliya.

Degmada Waajid ayaa waxay min 90-km u jirtaa degmooyinka Baydhabo, Xudur iyo Luuq oo ka kala tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo ay saraakiisha dowladdu sheegeen inay u arkeen mid muhiim u ah dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya