4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Saddex ka mid ah dadkii sida xun ugu dhaawacmay Magaalada Baladweyne oo xalay geeriyooday iyo dhaawacyo loosoo qaadayo


Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Saddex ka mid ah dadkii ay dhaawacyada culus kasoo gaareen weerarkii ismiidaamin ee shalay ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa xalay ku geeriyooday isbitaalka magaaladaas, iyadoo tani ay ka dhigayso dadkii weerarkaas ku dhintay 19-qof.

Maanta ayaa sidoo kale lagu wadaa in 10 ruux oo dhaawacyadoodu ay yihiin kuwu culus loosoo qaado magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya si ay u helaan daweyn dheeraad ah.

Diyaarad ay dirtay dowladda Somalia ayaa gaartay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasoo laga soo qaadayo dhaawacyada, waxaana weerarka mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab oo afhayeen u hadlay uu sheegay inay bartilmaameedsanayeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.

“Xalay waxaa isbitaalka magaalada Baladweyne ku dhintay saddex qof oo ka mid ah dhaawacyadii halista ahaa ee ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay maqaayad baladweyne ku taalla,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada dadii dhaawacyadu soo gaareen oo ku sugan isbitaalka guud ee Baladweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay dadaal xooggan u galeen sidii dadka dhaawacyada ah ee daran loogu qaadi lahaa Muqdisho taasna ay ku guuleysteen, iyagoo xusay in tani ay qayb ka tahay howlaha la doonayo in lagu badbaadiyo dhaawacyada.

“Diyaarad ay soo dirtay dowladda Soomaaliya ayaa saakay Baladweyne ka qaadaysa dhaawacyada 10-qof oo ah kuwa ugu daran ee dhaawacyada qaba, waxaana la dhigi doonaa isbitaallada Muqdisho si loogu daweeyo,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay 19-qof oo ay ku jiraan saddexdii qof ee xalay dhaawacyada u dhintay iyadoo ay ku dhaawacmeen 40-qof oo kale, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo dhaawacyo halis ah qaba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya