4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Xarakada Al-shabaab oo Maanta ku hanjabtay inay Weerarro Argagaxiso oo is-daba-joog ah ku Qaadayso Dalka Kenya


Arbaco, Oktoobar 02, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa ku goodisay maanta oo Arbaco ah inay kordhinayso weerarrada ay Kenya ka geysanayso, kaddib markii madaxda Kenya ay ku gacan-sayreen inay kala baxaan Soomaaliya ciidamadooda.

Al-shabaab oo xiriir la leh Al-qaacida ayaa waxay sheegteen toddobaadkii hore inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday dhismaha Westgate Mall ee magaalada Nairobi, halkasoo ay ku dhinteen 67-qof, 28-qof oo kalena ay weli maqan yihiin sida ay sheegtay hay’adda laanqayrta cas ee Kenya.

“Waxaan kordhin doonnaa weerarrada aan ku qaadayno Kenya, waana ku ugaarsan doonnaa meel walba aan ku aragno tan iyo inta magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ay isku bedelayaan qubuuro, dhiggana uu ka qulqulo Nairobi,” ayay Al-shabaab ku tiri warbixin ay soo saartay.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa warbixinteeda ku tiri: “Go’aanka ay dowladda Kenya ku gaartay inay ciidamadeeda kusii sugnaadaan Soomaaliya, waxay horseedi doontaa in cashar ka weyn kii Westgate Mall loo dhigo.”

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shalay oo Talaado ahayd ka sheegay magaalada Nairobi in ciidamadooda ay sii joogi doonaan gudaha dalka Soomaaliya ayna kula dagaalami doonaan Al-shabaab.

“Ciidamadeennu waxay sii joogayaan Soomaaliya inta ammaanka dalkeenna aan ka xaqiijinayno. Ma nihin fulayaan, mana nihin kuwo quusanaya,” ayuu Kenyatta ku sheegay hadalkiisa, isagoo xusay in baaritaan lagu sameynayo dhacdadii Westgate Mall.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay inay ciidamadooda ay la dagaalami doonaan Al-shabaab oo ay ku sheegeen inay tahay koox ka dambeysay weerarro argagaxiso oo ka dhacay dalka Kenya xilliyo kala duwan.

Warbixinta Al-shabaab ee ku aaddan inay kordhinayso weerarrada ay dalka Kenya ku qaadayso, ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo cabsi weyn ay ka qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi in weerarkii Westgate Mall uu saameyn ku yeesho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya