4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Qarax Miino oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Arbaco, October 02, 2013(HOL) :- Qaraxan oo la sheegay in uu ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Farjanno, gaar ahaan waaxda Siinaay, walow aysan jirin khasaarooyinka ka dhashay qaraxa.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd afaafka hore ee guri ay daganyihiin odoyaal dhaqameed, gaar ahaan geed weyn oo ku yaal guriga agtiisa kaasoo ay aalaaba fariistaan odoyaasha.

“Qaraxa geedka hoostiisa ayuu ka dhacay, aad ayuu u xooganaa, laakiin markii uu qaraxa dhacayay meesha cidina ma joogin,” sidaa waxaa yiri goobjooge ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay oo HOL u waramay.

Qaraxa kadib ayaa waxa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba, waxaana sidoo kale si KMG ah hawada looga saaray isgaarsiinta magaalada Kismaayo.

Ilaa imika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkani, mana ahan markii ugu horeeysay oo weerar ceynkan oo kale ah uu ka dhaco magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.