4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Xaflad lagu soo dhaweynayay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo lagu qabtay Magaalada Ottawa ee dalka Canada (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 02, 2013 (HOL) — Xaflad si wanaagsan loo soo abaabulay laguna soo dhaweynayo ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Fawzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa lagu qabtay magaalo madaxda dalka Canada ee Ottawa.

Xafladdaan ayaa waxaa ka qaygalay saddex xildhibaan oo ka soo kala jeeda saddexda xisbi ee ugu waaweyn dalka Canada oo badanaaba aan shirarka ku wada kulmin siyaasadahoodana ay kala duwan yihiin. Iyadoo xildhibaanadan ay hadallo ka jeediyeen halkaas.

Xildhibaanadaas oo kala ah Paul W. Dewar oo ka socday xisbiga NDP-da, David McGuinty oo ka socday xisbiga Liberal-ka iyo TED OPITZ oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ayaa laga soo wada doortaa xaafado ay Soomaalidu ku badan yihiin.

Xildhibaannadii ka socda xisbiyada siyaasadeed ee dalka Canada oo iyaguna ka hadlay kuanka ayaa sheegay inay garab-taagan yihiin Soomaaliya ayna ka shaqeynayaan sidii looga caawin lahaa wixii ay u baahan yihiin.

“Dowaldda waxaa ka go’an inay doorashooyin dalka ka hirgeliso, mana dhici doonto inay muddo kororsi dalbato sidii horay u dhici jirtay,” ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiyo oo hadal ka jeedisay xafladda.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ku nool ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee qayb lixaad leh ka qaadan kara dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo ku boorrisay inay ka qaybqaataan dib u dhiska.

Hiiraan Online oo wasiiradda weydiisay su’aal ahayd sababta safiir loogu soo magacaabi waayay Canada ayaa waxay sheegtay in hadda safaaradda  Soomaaliya ee Washington laga sii maamuli doono, balse ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo magacaabi doonaan safiir ama danjire.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wasiirka arrimaha dibadda Canada, John Baird ayaa waxay HOL hordhigtay su’aal ahayd inuu booqanayo Soomaaliya sidii uu horay u sheegay, isagoo ka gaabsaday ka jawaabidda su’aashaas, wuxuuna xusay in sababo la xiriira amniga awgood  uusan xilligan booqan karin Soomaaliya, laakiin uu ku talo-jiro in uu booqdo mustaqbalka.

Dhanka kale, guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Yussur Abraar oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa sheegtay in dhaqaale badan Somalia loogu yaboohay intii uu socday shirkii New Deal,loona baahanyahay in dhaqaalahaas musuqmaasuq ka  madax-bannaanaado,  Iyadoo xustay in la iska ilaaliyo musuqmaasuqa.

“Waddamo badan oo dunida ku yaalla dadka dhisay waa dadkoodii dibadda u baxay, dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u soo baxay, waxaa laga doonayaa inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda,” ayay tiri Yussur Abraar.

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa C/qaadir Maxamuud Maalin (Ilka-case) madaxa guddiga qabanqaabada xafladda, Sheekh Haddi, Shukri Jaamac, Faarax aw-Cusmaan, Axmed-Nuur, Idil Saalax, Farxiya Cali Cabdi Guure, Danjire Cabdinuur iyo Dr. Xirsi Cabdikariim Ciyow oo ka warbixiyey taariikhdii dheereed ee ay durmarka Soomaaliyeed ka qaateen halganka Soomaaliya.  Maryan Sheekh ay wasiiradda ku guddoonsiisay halkaas haddiyado ay soo diyaariyeen haweenka magaalada Ottawa.

Fannaanadda weyn ee Zeynab Laba-dhagax ayaa halkaas heeso wadani ku madadaalisay dadkii kasoo qayb galay xafladda. Waxaa sidoo kale halkaas ciyaaro fanka iyo suugaan Soomaaliyeed kusoo bandhiga gabdho Soomaaliyeed.

Waxaa xafladaan si habsami u daadihineysay (MC) Nimc Maxamed Cali oo ka mid ah gabdhaha aad u firfircoon ee magaalada Ottawa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya