4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Kooxo hubeysan oo Saaka Muqdisho ku togtay Taliye ku xigeenkii saldhigga Booliiska Degmad Hodan ee Gobolka Banaadir

Arbaco, Oktoobar 02, 2013 (HOL) — Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa saakay toogasho ku dilay taliye ku xigeenkii saldhigga booliiska degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Col.  Shariif Aadan Maxamuud (Seefle).

Taliye ku xigeenka ayaa lagu toogtay nawaaxiga Tarabuunka, iyadoo dilkiisa ay fuliyeen laba dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa, iyagoo horay u sii qaatay bastoolad uu watay kana baxsaday goobta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in taliyaha uu isku dayay inuu is-difaaco markii weerarrka lagu qaaday, balse ay kooxaha hubeysan rasaas la heleen, taasoo keentay inay isla goobtaas ku dilaan.

Dilkan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha degmada Hodan, Cabdi Maxamed Dhabaney isagoo sheegay in maamulkiisa ku jahwareersan yahay dilalka degmada ka dhaca, isla markaana ay wadaan howlgalo sidii loosoo qaban lahaa kooxihii dilka sarkaalka geystay.

Ma jirto illaa cid mas’uuliyadda dilkan sheegatay, balse dilalka noocan oo la midka ah ee lala beegsado xubnaha dowladda ka tirsan ayaa waxaa sheegta Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa isagu ka hadlin dilka taliye ku xigeenka saldhigga degmada Hodan loogu geystay gudaha degmadaas, iyadoo dilkan uu qayb ka noqonayo kuwo dhawaanahan ka dhacayay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya