4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Dagaal culus oo xalay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray gudaha Degmada Mahadaay

Arbaco, Oktoobar 02, 2013 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray xalay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare kala duwan.

Afar ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa la sheegay ku dhinteen gudaha degmadaas, iyadoo ugu dambeyn xoogaggii Al-shabaab oo weerarka ku qaaday degmadaas ay isaga baxeen, halka ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dagaalkan oo dhacay gellinkii dambe ee xalay ayaa wuxuu ahaa mid culus iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in xoogagga Al-shabaab oo weerarka ku qaaday degmada ay gudaha u soo galeen degmadaas, iyadoo dagaalku uu soo gaaray aroornimadii hore ee saakay.

Weli kama aysan hadlin dowladda Soomaaliya dagaalkii xalay ka dhacay degmada Mahadaay oo bishii hore ay kala wareegay Al-shabaab kaddib saddex sano oo kooxdan ay ka talinaysay degmadaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa kii ugu cuslaa oo muddo sannado ah ka dhaca degmada oo dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Mahadaay ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Xarakada Al-shabaab oo si kooban uga hadashay dagaalka ayaa sheegtay in uu ahaa mid ay iyagu ku qaadeen degmadaas oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin cadow, waxayna xuseen inay ku dileen gudaha degmadaas ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya