4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Qaraxii Baladweyne Waa mid Lagu Diiddan yahay Horumarka ay Soomaaliya ku Tallaabsaday”

Sabti, Oktoobar 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku tilmaamay mid lagu diidan yahay horumarka lagu tallaabsaday.

Xasan Sheekh ayaa warsaxaafadeed uu kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ku sheegay in weerarkaas uu aad uga xun yahay, isagoo xusay in dadkii ku dhintay ay ahaayeen shacab aan waxba galabsan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkaas bahalnimada ah ee dadka shacabka ah lagu bartilmaameedsaday,” ayuu madaxweynuhu ku yiri warkiisa, isagoo intaas ku daray in weerarkan uu yahay mid ay Al-shabaab ku diiddan tahay horumarka uu dalku gaaray.

Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa awaxaa sheegatay mas’uuliyadiisa Al-shabaab oo sheegtay inuu ahaa mid ay ku bartilmaameedsanayeen ciidammo u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo maqaayadda weerarku ka dhacay ku sugnaa. Iyadoo weerarkan ay ku dhinteen 16-qof.

"Falkan is-qarxinta waa mid ay kooxaha nabad-diidka ah ku diidan yihiin horumarka shacabka iyo nabadeynta, waa mid fuleynimo ah oo dhaqanka diinta iyo Soomaalinimadaba kasoo horjeeda, waana fikir shisheeyuhu uu dalkeenna keenay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in shaqsigan is qarxiyay uu si aan naxariis lahayn isugu qarxiyay shacab aan waxba galabsan. Isagoo taas ku tilmaamya in kooxaha Al-Shabaab ay kasoo hartay mintidnimo iyo is-qarxin markii looga guuleystay dagaalladii tooska ahaa.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Baladweyne, wuxuuna u u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay caafimaad deg-deg ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya