3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si adag u cambaareeyay Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Sabti, Oktoobar 19, 2013 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo ay ku dhinteen dad fara badan oo shacab ahaa.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii bahal-nimada ahaa ee Al-shabaab ay ka ka geysatay Baladweyne, waxaana alle uga baryeynaa inuu geeyo Jannadiisa, intii kale ee ku dhaawacantayna uu caafimaad deg-deg ah siiyo,” ayuu yiri Saacid oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha oo sii hadlay ayaa yiri: “Ujeeddada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa inay cabsi geliyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah inay ka tashadaan aayahooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisa ku daray in todobaadyadii lasoo dhaafay ay wadeen shacabka, waxgaradka iyo qaybaha bulshada gobolka Hiiraan sidii ay uga tashan lahaayeen aayahooda una dooran lahaayeen maamulkii hoggaamin lahaa.

Qaraxa saaka abaara 11:00 barqinnimo ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla meel ku dhow xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa fuliyay ruux miineysan waxaana ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo rayid ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/19/2013 9:03 AM EST
Sabti, Oktoobar 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku tilmaamay mid lagu diidan yahay horumarka lagu tallaabsaday.

10/19/2013 8:42 AM EST
Sabti, Oktoobar 19, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ayaa sheegay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 15-qof.

10/19/2013 7:52 AM EST
Sabti, Oktoobar 19, 2013 (HOL) — Inta la xaqiiyay 16 ruux ayaa ku dhimatay halka in ka badan 30 ruuxna ay ku dhaawacmeen weerar ismiidamin ah oo marqanimadii maanta ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala agaagarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

10/19/2013 5:57 AM EST
Sabti, Oktoobar, 19, 2013 (HOL) – Qarax aad u xoogan oo siweyn looga wada maqlay xaafaddaha magaalada Beledweyne ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/19/2013 3:54 AM EST
Sabti, October 19, 2013(HOL) :- Saraakiisha Ammaanka dalka Uganda ayaa maanta kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan dalkaasi, iyadoona kulankaasi looga arinsanayay sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dhinaca nabadgelyada.