4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2013
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Khasaaraha Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 19, 2013 (HOL) — Inta la xaqiiyay 16 ruux ayaa ku dhimatay halka in ka badan 30 ruuxna  ay ku dhaawacmeen weerar ismiidamin ah oo marqanimadii maanta ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala agaagarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay oo intooda badan ahaa dad shacab ah oo xiligaan ku sugnaa maqaaxida  iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa dhamaantood la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhaqaatiirta isbitaalka oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in qaar ka mid ah dadka dhawaaca aan waxba looga qaban karin xaaladooda caafimaad isbitaalka, sidaa daraadeed loo diyaarinayo xiligan in loo qaado magaalada Muqdisho si halkaa loogu daweeyo.

Dad ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay qaarkood oo u waramay HOL ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay qof kaliya oo la rumeysan yahay in uu xirnaa walxaha qaraxa, waxaana uu bartilmaameesaday maqaaxida oo xiligaa ay ku sugnaayeen dad shacab u badnaa oo halkaa ku shaahayay.

Sidoo kale, xiligan uu qaraxa dhacay waxaa goobta ku sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamo Itoobiyaan oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha dhinacooda ka soo gaaray qaraxa.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa noqonaya weerarkii labaad ee noociisa ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne tan iyo markii laga saaray xoogagga Al-shabaab.

Goor dhaw ayaa la filayaa in ay magaalada soo gaarto diyaarad la sheegy in lagu qaadi doono dhaawaca dadkii wax looga qaban waayay xaaladooda caafimaad isbitaalka magaalada Beledweyne.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha nabad-galyada maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya