4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2013
Qarax xoog leh oo Sababay Khasaare isugu jira Dhismasho iyo Dhaawac oo goor dhaw ka dhacay Magaalada Beledweyne

Sabti, Oktoobar, 19, 2013 (HOL) – Qarax aad u xoogan oo siweyn looga wada maqlay xaafaddaha magaalada Beledweyne  ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qarax ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka Hiiraan, halkaa oo ay koontarool ku leeyihiin ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, waxaana xusid mudan in maqaaxida qarax lala eegtay aheyd mid aad u mashuul badan oo ay ku shaahayeen dad rayid u badnaa.

Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa la dhigay qaar ka mid ah meydadka dadkii ku dhitay qaraxa iyo kuwii ku dhaawacmay, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ka hadllaya khasaaraha dhimashada.

Qof ku sugan gudaha Isbitaalka magaalada Beledweyne oo HOL la hadllay ayaa sheegay in uu arkay ama la keenay isbitaalka meydadka ilaa 11 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa, walow dhimashadu intaa ka sii badan karto, madaama la leeyahay waxaa jira wali meydad yaala halkii uu qaraxa ka dhacay.

Dhab ahaan looma oga in qaraxu u ka dhashay qof ismiidaamiyay ama miino la soo dhigay goobta, laakiin marka la eego baaxada khasaaraha ka dhashay ayeey dadka intooda badan rumeysan yihiin in qaraxu ahaa mid ismiidaamin ah.

Qarax ayaa ku soo beegmay xili magaalada uu ka jiray olale siyaasadeed iyo diyaar-garoow doorasho, waxaana maalmihii ugu danbeeyay ku soo qul qulayay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo qeyb ka ahaa qorshaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan

Wixii warar ah ee ka soo kordha khasaaraha uu sababay qaraxan waan idin soo gudbin doonaa….

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected] 
Beledweyne, Soomaaliya