4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2013
Saraakiisha Hay'adaha Amaanka dalka Uganda oo Kulan Amniga la Xiriira la Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi

Sabti, October 19, 2013(HOL) :- Saraakiisha Ammaanka dalka Uganda ayaa maanta kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan dalkaasi, iyadoona kulankaasi looga arinsanayay sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dhinaca nabadgelyada.

Saraakiisha ammaanka dalkaasi ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda in ay garab kusiiyaan sugidda amniga islamarkaana ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan saraakiisha dhanka ammaanka ee dalkaasi.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa soo dhaweyn hindisahaas, iyagoona ballaan qaaday in ay la shaqeyn doonaan saraakiisha ammaanka dalkaasi, waxayna sidoo kale u gudibiyeen waxyaalo ay ka cabanayeen.

Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda Xuseen Abuukar Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laamaha ammaanka dalkaasi ay isku afgarteen dhamaan arimihii ay ka wada hadleen, wuxuuna xusay in ay u gudbiyeen cabasho ahayd dhibaatooyin ay maalihii u danbeeyay Soomaalida gaadiidleyda ah iyo kuwa kasoo daga garoonka ay kala kulmayeen ciidamada ammaanka dalkaasi.

Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay adkeysay ammaanka guud ee dalkeeda, waxayna arintaasi ka danbeeysay kadib hanjabaado ay Xarakada Al-shabaab u dirtay dowladaha ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya