4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2013
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo Kulankoodii Maanta Diiradda Ku saaray adeegga Caafimaadka iyo Amniga (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 17, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ku saaran diiradda kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta qorshaha adeegga aasaasiga ah ee caafimaadka, hishiis millateri oo ay kala saxiixdeen dawladdaha Soomaaliya iyo  Talyaaniga iyo warbixin wasiiradda arrimaha dibadda laga dhageystay.

Kulankan ayaa ugu horreyn waxaa warbixin looga dhegeystay waisirada wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga, iyagoo si gaar ah uga waramay sugidda amniga Muqdisho, taasoo hay’aduhu ay si weyn ula tacaaleen isla markaana ay ka hortageen falal ay maleegayeen kooxda Al-shabaab oo doodayay sida la sheegay ay ka geysan lahaayeen Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa si gaar ah uga warantay howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen qaybo ka mid ah Muqisho oo ay kusoo qab-qabteen kooxo abaabul ugu jiray inay qalal geliyaan amniga masaajidka weyn ee isbaheysiga Islaamka, halkaasoo ay maalintii ciidda ku tukadeen madaxda Qaranka iyo kumannaan shacab ah, waxaana kooxahaasi la dhigay xabsiga.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa waxay warbixin ka dhageysteen wasiirka adeegga bulshada, Maryam Khaasim Axmad, iyadoo soo bandhigtay shax ku saabsan qaab-dhismeedka adeegga caafimaadka dalka, kaasoo ay ku bixin doonto wasaaraddu lacag fara badan iyadoo sheegtay inay ka fulin doonaan sagaal gobol oo wajiga hore ah, ayna ka faa’iideysan doona kumanaan kun oo ruux.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa meel mariyay heshiis ay dowladaha Soomaaliya iyo Talyaanigu kala saxiixdeen taariikhdu markay aheyd 17-kii September, kaasoo ku saabsanaa horumarinta ciidamada milateriga dalka, waxaana heshiiskan dhanka Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhiga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Faqi, iyadoo heshiiskan uu dhigayo in qalabeynta lagu sameeyo ciidamada xoogga dalka iyo inay labada waddan wadaagaan iskaashiga dhanka amniga iyo cilmi baarista arrimaha millateriga ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya