4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2013
Dowladda Kenya oo dadaallo xooggan ugu jirta baajinta Maxkadeynta labada Hoggaamiye ee ugu sarreysa dalka Kenya


Khamiis, October 17, 2013 (HOL) - Toddobaad kaddib markii ay ku guulaysatay inay taageero buuxda ka hesho wadamada xubnaha ka ah midowga Afrika oo meel mariyay qaraar diidaya in maxkamad la geeyo madaxweyne Afrikaan ah inta uu xilka hayo ayaa dawlada Kenya ay dadaal ugu jirtaa sidii go’aankaas ay uga dhaadhicin lahayd wadamada 5-ta ah ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku leh codka fiitada.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamed Jibriil ayaa kulan kula qaadanaysa magaalada Prague ee xarunta waddanka Czech Republic todobaadkaan gudihiisaa diblamaasiyiin ka socota wadamada Maraykanka, Russia, China, Britain iyo France, kuwaasoo dhammaantood leh codka fiitada si ay ugu qanciso in dib loo dhigo maxkamada ku socota madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Dawlada Kenya ayaa horay ugu gudbisay qaramada midoobay go’aankii ay ku gaareen magaalada Addisababa hogaamiyayaasha qaarada Afrika oo diiday in la maxkamadeeyo hogaamiye  Afrikaan ah inta uu kursiga ku fadhiyo, iyadoo qaar kamid ah madaxda Afrikaankuna ay maxkamada ICC ku tilmaameen in tahay mid cunsuriyad iyo eexasho lagu saleeyay.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in dawlad Kenya ay mucaaradad xoog leh kala kulmayso xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki Moon oo ka biyo diiday go’aankii hogaamiyayaasha Afrika dalbadayna in wadamada xubnaha ka ah heshiiskii Rome ay sii wadaan la shaqaynta maxkamada ICC.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa isna mawqif adag qaatay isagoo qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhibaatooyinka ka taagan wadamada Afrikaanka ah lagu xalliyo oo kaliya shuruucda u dagsan maxakamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka (ICC).

Waxaana warar hoose oo warbaahintu heshay ay sheegayaan in mawqifka adage e madaxweynaha faransiisku uu caqabad ku yahay dadaalka diblamaasiyadeed ee ay wado dawlada Kenya, iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa dalka koonfur Afrika Jacob Zuma si uu ugu qanciyo madaxweyne Francois Hollande ka noqoshada mawqifkiisa maadaama haatan uu booqasho ku joogo dalkaasi koonfurta Afrika.

Inkastoo dawlada Kenya ay doonayso in gabi ahaanba dib loo dhigo maxkamadaynta hogaamiyayaasha Kenya  4-ta sano ee ay xilka hayaan ayaa wararku ay sheegayaan in qaar kamid ah wadamada reer galbeedku ay taageereen in hal sano oo kali ah dib loo dhigo maxkamada ku soconaysa madaxda Kenya.

Waxaa kaloo dawlada Kenya ay cadaadis kala kulmaysa kooxaha u dooda xuquuqda bini’aadamka kuwaasoo ku doodaya in hadii la baajiyo maxkamada aysan cadaalad heli doonin dadkii ku waxyeelloobay rabshadihii dalka Kenya ka dhacay sannadihii 2007 iyo 2008.

Weerarkii lagu qaaday Westgate ayaa dhaliyay in qaar kamid ah wadamada reer galbeedku ay u dabcaan dalabaadka madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisu ay ku doonayaan in la baajiyo maxkamadooda, iyadoo qaar kamid wadamadani ay shaaciyeen in Kenya ay tahay mid kamid ah wadamada udub dhexaadka u ah dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya