4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2013
Al-shabaab oo Ciidamo fara badan kusoo Bandhigtay Degmada Buulo-burte oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 17, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa dhoola-tus milateri ka sameysay degmada  Buulo-burte oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo soo bandhigay ciidammo iyo gaadiid dagaal oo fara badan.

Boorar ay wateen ciidamada ayaa waxaa ku qornaa erayo ay fariimmo ugu dirayaan dowladda Kenya, waxaana erayada ka mid ahaa in Kenya ay bixiso magta dad muslimiin ah oo ay ku dishay magaalada Kenya.

Intii uu dhoola-tusku socday ayaa waxaa xirnaa goobaha ganacsiga iyadoo dadka degmada Buulo-burte ku nool ay ku sugnaayeen jidadka dhoolla-tuska ay ku sameynayeen Al-shabaab.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya