4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2013
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo dalbaday in ciidamada AMISOM la kordhiyo lana xoojiyo dagaalka Al-shabaab


Khamiis, Oktoobar 17, 2013 (HOL) — Xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa warqad uu u diray xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midooaby wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay in kumannaan ciidammo ah oo ka socda Afrika lagu xoojiyo ciidamada AMISOM si looga hortagao khataraha ka imaan kara Al-shabaab oo uu sheegay inay dib isku habeynayaan.

Ban Ki-Moon ayaa xusay in weerarkii ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen degmada Baraawe uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay saraakiil kooxda Al-shabaab ka tirsanaa oo ku sugnaa guri ku yaalla xeebta degmadaas.

“Dhamaan xubnaha golaha ammaanka waa inay AMISOM ka taageeraan sidii ay ku heli lahaayeen maaliyad iyo qalab ciidan oo ay ka mid yihiin diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah iyo sidii looga taageeri lahaa sirdoonka si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab,” ayuu Ban Ki-Moon warqadiisa ku yiri.

Sidoo kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ka digay inay jirto baahi ku aadan dar-dar galinta tallaaboyinka melateri ee ka dhanka ah Al-shabab.

“Xaaladda amni ee Somalia oo sii xumaata waxay caqabad ku noqonaysaa siyaasada iyo horumarradii dhinaca milateriga ahaa ee ay ciidamad AMISOM ku tallaabsadeen labadii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu Ki-Moon warqadiisa ku yiri.

Ban Ki-Moon ayaa ku baaqay in ciidammo garaaya 4,400 askari oo ka socda dalalka Uganda Iyo Burundi la geeyo Soomaaliya labada sano ee soo socda; sidoo kalena loo baahan yahay in shaqaale saadka geeya iyagana lagu daro ciidamada la geynayo Soomaaliya.

“Guulihii laga gaaray labadii sano ee lasoo dhaafay dagaallada lagula jiro Al-shabaab khatar ayay ku jirtaa…. Awoodda Al-shabaab way sii ballaaranaysaa iyagoo si hoose askar uga qoranaya gudaha dalka iyo dibaddiisa… haddii aan laga hortagin waxaa suuro-gal ah inay awoodeedii dib ula soo laabato ayna isku ballaariso Soomaaliya oo dhan,” ayuu mar kale yiri Ban Ki-Moon.

Ugu dmbeyn, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ka qaybqaataan dalalka gobolka dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin khatar weyn oo caalamka kusoo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya