4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2013
Kooxo hubeysan oo xalay Xaafadda ZONE K ku dilay laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khamiis, Oktoobar 17, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay xalay xaafadda Zone K ee degmada Hodan laba askari oo ka tisran ciidamada dowladda Somalia, kuwaasoo loogu galay gurigooda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxo afka xirtay oo bastoolado watay ay u galeen askarta gurigooda, waxaana la sheegay inay isla guriga gudihiisa ku toogteen, waxaana dilka kaddib soo buuxiyay xaafaddaas ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

“Askarta la dilay waxay ahaayeen laba, waxayna ifka uga tageen laba xaas iyo caruur,” ayay tiri haweeney daris la ah ciidamadan la dilayl, iyadoo intaa ku dartay in labada askari ay ahaayeen walaalo.

Kooxaha dilka geystay ayaa markiiba goobta ka baxsaday, iyadoo dilkan ay sheegatay Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda ay xaafadda dilka askarta uu ka dhacay ay baaritaannno ka sameeyeen inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen dilkaas.

“Mid ka mid ah askarta la dilaly wuxuu ka dhintay xaaskiisa oo umul ah iyo caruur, askariga kalena wuxuu ka dhintay xaas uur leh,” ayuu yiri goobjooge la hadlay HOL oo ku sugan halka uu dilku ka dhacay.

Xaaladda xaafadda Zone K ayaa saakay daggan, iyadoo dadka xaafaddaas ku nool ay sheegeen in xalay oo dhan ay rasaas ka dhacaysay xaafadooda taasoo ka dhalatay dilka labada askari loo geystay.

Dilka noocan ah ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo xaafaddaaas ka dhaca, iyadoo uu kusoo beegmayo dilkan xilli ra’iisul wasaaraha Somalia uu dhawaan sheegtay in Muqdisho ay ka jirto nabad la isku halleyn karo.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay xoogageedu awood u leeyihiin inay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geystaan meel walba oo Muqdisho ka tirsan, iyadoo hay’adaha ammaanka dowladduna ay sheegaan inay burburiyeen unugyo ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya