4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ammaanay Xubnaha Baarlamaanka Somalia kuna bogaadiyay inay sii wadaan howlahooda (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta munaasabad qado-sharaf ah u sameeyey xildhibaannada golaha shacabka, waxaaba kasoo qaybgalay ra’iisul wasaare ku-xigeenka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo xubnaha baarlamaanka.

Xafladan ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Somalia, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha, iyagoo ku boorriyay xildhibaannada inay laba jibaataan howlahooda.

Madaxweyne Somalia ayaa ugu horreyntii hambalyada ciidda u gudbiyay xildhibaanada sharafta leh, kana codsaday inay sii laba-jibaaraan howlaha qaranka ay u hayaan. Isla markaana sheegay in sannadkii hore wax badan qabsoomeen, inta hartayna la doonayo in sannadkan xoogga la saaro.

DAAWO SAWIRRADA QADO-SHARAFTA:

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waxqabadka baarlamaanka sannadkii la soo dhaafay oo ay muuqatay mas’uuliyad, isku duubni, wada-shaqeyn iyo baarlamaanka oo meel mariyay sharuuc fara badan. Hase yeeshee waxaa lama huraan ah inaan sii laba-jibaarno dadaalkaas oo labada sano ee soo socda ay muhiim yihiin in lasii dhameystiro howlaha baaxadda leh ee na sugaya. Far isku fiiqiddu aad bay u yarayd sannadkan, waxaana nalaga rabaa samir, dulqaad iyo inaan wixii macquul ah oo horumarka nagu sii hagaya aan si wadajir ah u wada sameyno,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlayay horumarka dowladda ayaa yiri mar kale yiri: “Horumar ballaaran baan ka sameynay arrimaha dibadda, maaliyadda iyo amniga, wallow dadaal fara badan nalaga rabo oo dhanka ammaanka ah, bacdamaa amniga uu yahay tiirka iyo aasaaska horumarka. Dhammaan horumarka xiriirka caalamiga ah waxay naga rabaan inaan sii joogtayno oo kalsoonida ugu fiican ee aan caalamka siin karno waa innagoo amniga guud ee dalka ka shaqeynaya.”

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyagoo halkaas ka sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida wanaagsan ee uu baarlamaanku howlihiisa ku qabtay, iyagoo ugu baaqay xildhibaannada inay halkaas kasii wadaan dadaalladooda ku aaddan ka miro-dhalinta howlaha horyaalla sannadaha soo socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya