4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Nin la sheegay inuu Maskaxda ka jiran yahay oo dad ku laayay Xaflad Aroos oo ka dhacaysay Miyiga Gabiley ee Somaliland

Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday habeen hore, ruux kalana wuu ku dhaawacmay ka dib markii nin la sheegay inuu maskaxda ka xanuunsanayo rasaas oodda kaga qaaday xaflad aroos oo ka dhacaysay miyiga magaaladda Gabiley. 

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Ibraahim Yuusuf Geeddi ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhacdadan naxdinta leh ee  ka dhacday meesha la yidhaa Caadda ee gobolka Gabiley, waxaanu sheegay in dadkii ku nafweeyey iyo kuwii ku dhaawacmay ba dhamaantood ahaayeen dumar.

Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in ninkan ay eheladoodu cadeeyeen inuu ahaa nin xaga maskaxda ka jirin, haseyeeshee la baadhayo sababta uu qoriga u helay iyo waxa ku kalifay inuu dadkaasi laayo.

Taliyaha Booliska qaybta Gabiley, ayaa isna xaqiijiyey falkaasi dhacay, waxaanu sheegay in ninkaasi magaciisa la yidhaa Gahayr Xasan Mudan, haseyeeshee wuxuu taliyuhu xusay inay markiiba ka heshiiyeen labaddii  dhinac ee ay ka soo kala jeedeen dhibanayaashu iyo Ninka falka geystay reerkoodu, waxaanay qoyska uu ka soo jeedo ninkaasi dilka geystay balanqaadeen inay bixinayaan magta labadda qof ee geeriyooday iyo qof kale ee dhaawaca ah.

“Ninkaasi dilka gaystay wuxuu ahaa nin maskaxdda ka xanuunsanaya wuuna baxsaday, laakiin labadda dhinac durba arrintaasi way ka heshiiyeen waxaanay bixiyeen qoyskii uu ka soo jeeday ninka dadka laayey  lixdan milyan oo shilling Somaliland ah oo xabaalo qodkii ah, waxaanay balanqaadeen magta labadda qof ee geeriyooday”ayuu yidhi taliyaha Booliska Gabiley Cabdilaahi Xasan Faarax oo ka hadlayey dilka ka dhacay deegaanka Caadda ee magaaladda Gabiley.

Ciidamadda booliska ayaa la sheegay inay baadhayaan dhacdadan oo inta badan dadkii deegaanka ka yaabisay, waxaana xafladdii arooska ee farxada ahayd mar qudha isku bedeshay madal geeriyeed, kuwaas oo dadkii ku keentay cabsi badan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland