4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
MADAXWEYNE SIILAANYO: “Wax kasta oo aynu horay u soo qabanay waxaa ka badan howlaha dhiman ee noo yaalla” (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Waaberigii hore ee saakka, ayaa dadweynaha ku nool goboladda Somaliland ku dareereen garoomadda waaweyn si ay usoo gutaan waajibaadka labadda Ragcadood ee salaadda ciidda.

Shacabka ayaa si weyn looga dareemayey farxadda Ciidda , isla markaana waxa suuqyadda iyo wadooyinka buux dhaafiyey caruur ku labisan dharkoogii quruxda badnaa ee ay ugu tallogaleen inay maalintan oo kale xidhaan.

Dadweynaha ayaa isku salaamayey ciid mubaarak iyo saamaxnaa kum, sidoo kale waxa fariimo salaan iyo ducaba iskugu jirta ay dadweynuhu hawada iskugu marinayeen moobiladoodda.

Sidoo kale, wasiiradda Somaliland ayaa loo kala diray gobolada iyo magaalooyinka waaweyn si ay dadweynaha  ku kala dhaqan ula Ciidi lahaayeen, isla markaana ula hadli lahaayeen si ay ugu baraarujiyaan ka qaybqaadashada dhismayaasha wadooyinka iyo horumarka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa iyo hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa saaka salaadii ciidda kula soo tukadday masjadka weyn ee ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaanu madxweynuhu halkaasi ka jeediyey khudbad kooban oo uu kaga hadlayey munaasibadan  iyo ka qaybqaadashadda horumarka.

SAWIRRO BADAN HALKAN KA DAAWO:

Madaxweynuhu waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u diray Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culimaa u-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida.

“Dadaalkaasi waaka aynu maanta ku soo gaadhnay halka qarankeenu uu taagan yahay, waxaana xaqiiq ah wax kasta oo aan soo qabsannay waxa laf-dhabar u ahaa nabadgelyada aynu ku naaloonayno, taas oo ku timid Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane iskaashiga Shacbiga iyo Dawladda”ayuu yidhi madaxweynuhu isagoo ka hadlayey wax wada qabsiga bulshadda dhexdeedda.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray: “Wax kasta oo aynu soo qabsanay waxaa ka baaxad-weyn hawlaha qaran ahaan inoo yaalla, taas oo aynu kaga midho-dhalin karno in aynu dedaalkeena sii xoojinno, si aynu u gaadhno hiigsigeenna iyo halka aynu qaran ahaan u socono oo ay ugu mihiimsan tahay in qarankani helo aqoonsi buuxa”.

“Somaliland waxay u diyaar tahay in beesha caalamka iyo gaar ahaanba wadamada jaarka ay kala shaqayso nabadgelyada iyo deganaanshaha Gobolka”ayuu ku soo xidhay hadalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, jawiga magaaladda Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa farxadda ciida, inkastoo ciidan dhaqdhaaqa suuqu yara, wallow xaga Xoolaha aad loo iibsanayey, isla markaan suuqa xooluhu uu xaami ahaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland