4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2013
Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta Taagan Banka ama Buurta Carrafo si ay u gutaan Waajibka Xajka oo ka mid ah Tiirarka Islaamka


Isniin, Oktoobar 14, 2013 (HOL) — Malaayiin muslimiin ah oo isaga yimid daafaha dunida ayaa ku sugan Banka Carrafo si ay u gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay diinta Islaamka, kuwaasoo maanta oo dhan halkaas ku sugnaan doona.

Xujeydan ayaa waxay ka kala yimaadeen Qaaradaha dunida oo inkastoo ay aad uga yar yihiin kuwii xajin jiray sannadihii hore, taasoo loo sababeeyay dhisme ku socda Xaramka, waxaana lasoo sheegayaa inay jiraan dhowr qof oo ku dhimatay.

Qaar ka mid ah xujeyda gudanaya xajka oo Soomaali ah ayaa sheegay inay jiraan dad ku dhintay sannadkan xajka, kuwaasoo aanay sheegin tiradooda, iyagoo sheegay in dad badan oo muslimiin ah ay saakay aroortii hore tageen Banka Carrafo.

“Banka Carrafo waxaa ku sugan malaayiin muslimiin ah, kuwaasoo isugu leh mida walba, waxaana maanta oo dhan lagu sugnaanayaa Carrafo, iyadoo marka ay qorraxdu dhacdo laga dareerayo,” ayaa laga soo xigtay qaar ka mid ah xujeyda sannadkan gudaha waajibka Xajka.

Muslimiinta caalamka ayaa waxay sannad walba gutaan waajibaadka xajka, iyadoo qof walba oo muslim ah laga doonayo inuu hal maro gurto waajibka Xajka haddii uu awoodo.

Istaagidda Banka Carrafo ayaa ah waajibka ugu weyn ee xajka sida uu Nebi Muxamed (NNKH) sheegay, isagoo xadiis ku yiri in gudasha xajku ay tahay in la istaago Carrafo oo ah buu weyn oo ku taalla Xaramka.

Waxyaabaha mucjisada ah ee sannadkan lagu arkay Xajka ayaa waxaa ka mid ah in haweeney u dhalatay dalka Suudaan oo muddo toddoba sano ah indho la’ayd ay arageedii dib u heshay, taasoo ay si aad ah wax uga qoreen warbaahinta Sucuudiga iyo Suudaan.

Sannad walba ayaa waxaa Xajka booqda malaayiin Muslimiin ah, kuwaasoo isugu jira rag, dumar iyo waayeel, waxaana dadka maanta taagan Carrafo ay Alle ka baryayaan wixii ay doonaan, iyadoo Nebi Muxammed (NNKH) uu sheegay in ducada Xujeyda ay tahay mid uusan Alle soo celin oo uu ka aqbalo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya