4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay go’aankii ay Madaxda Afrika ku gaareen in la kordhiyo Ciidamada AMISOM


Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib shir uu kaga soo qaybgalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay madaxda Afrika ku gaareen in la kordhiyo ciidamada AMISOM.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aan ay hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika ku gaareen in la xoojiyo ciidamada ammaanka Somalia iyo in si wadajir ah loola dagaalamo Xarakada Al-shabaab oo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM kula jirta dagaal.

“Madaxda Afrika waxay isku raaceen inay taageeraan qorshaha ammaanka dalka lagu sugayo iyo horumarka laga gaaray dib u heshiisiinta siyaasadeed. Waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la taageero xoojinta amniga Soomaaliya, iyagoo beesha calaamka ugu baaqay inay taageero muuqata ka geystaan dhismaha ciidamada amniga Soomaaliya. Waxana ku baaqeen in la kordhiyo ciidamada AMISOM iyagoo dalbaday in Qaramada Midoobay nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay in ciidamada AMISOM lagu kordhiyo 6,235 askari, taasoo ah 35%, si loo xoojiyo dadaallada loogu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, iyadoo tirada ciidamada AMISOM ay ka dhigayaan ciidamadan cusub 24,000 oo askari.

“Waxaan si aad ah ugu faraxsanahay taageerada ay hoggaamiyeyasha Afirka i tuseen, waxaana naga go’an in qaranka aan dib u dhisno sidoo kalena aan dib u habeyn ugu sameyno ciidamada ammaanka,” ayuu yiri madaxweynaha oo wariyeyaasha la hadlay.

Isagoo intaas ku daray inuu dhammaan madaxda Afirka uga mahadcelinayo sida ay uga go’an tahay inay ciidamadooda u keenaan Soomaaliya. Taasina waa mid muujinaysa buu yiri sida ay walaalaha Afrika uga go’an tahay inay ka qaybqaataan xal raadinta Soomaaliya.

Kordhinta ciidamada AMISOM ayuu ku sheegay in ay gacan ka geysanayso dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo Al-Qaacida oo uu ku sheegay inay yihiin kooxo argagaxiso ah. Isagoo sheegay in Afrika ay hadda diyaar u tahay in la isku kaashado dagaalka Al-shabaab, taasoo uu xusay inay horseedayso inay dowladda Soomaaliay ka adkaato Al-shabaab.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan wuxuu xusay inuu soo dhaweynayo halkii mowqif ee ay madaxda Afrika ka qaateen maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC, isagoo sheegay in go’aankaas uu yahay tallaabo ay madaxda Afrika horay u qaadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya