4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Maxkamadda Sool oo Eedeysanayaal kala duwan ku xukuntay Dil Toogasho iyo Xabisyo kala duwan kuwo kalena sii daysay

Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Sool ayaa xukunno kala duwan ku ridday maanta dad la sheegay inay ahaayeen kuwo dilal iyo dhaawacyo geystay, kuwaas oo ay ku jireen kuwii dilay weriye Axmed Saakin oo 23-kii Oktobar ee sannadkii hore lagu dilay magaalada Laascaanood.

Afar qof oo ka mid ah dadka la xukumay oo saddex ka mid ah aysan joogin goobta uu xukunku ka dhacayay ayaa lagu xukumay dil toogasho, halka la lix eedaysane oo laba ka mid ahi ay maqan yihiinna lagu xukumay min afar sano oo xabsi ah, kuwaasoo lagu eedeeyey inay ka mid ahaayeen urur laga mamnuucay deegaankaas, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool, Xasan Sheekh Cumar.

Waxaa kaloo maxkamaddu ay 14-sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney la sheegay inay la shaqaynaysay raga maqan, halka shan eedaysane oo ka mid ah ciidanka booliisku dhaawaceen ay maxkamaddu sii daysay kaddib markii lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Xukunnada noocan ah ayaa ah kuwii ugu horeeyay oo lagu qaado magaalada Laascaanood dhexdeeda, iyadoo dadkan intooda badan la qab-qabtay laga soo billaabo 21/12/2012-kii, kaddib markii lagu toogtay magaalada mid ka mid ah xildhibaannada golaha degaanka oo dhaawaciisu cuslaa.

Eedeysanayaashii dhaawaca u geystay xildhibaanka ayaa laga qabtay mid ka mid ahaa kooxihii dhaawiciisa geystay, kaasoo lagu magacaabo Cabdifataax Sulub Aadan, maxkamadduna ay ku xukuntay isaga iyo kuwa maqan dil toogasho.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool