4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Hay’adaha Amaanka oo si weyn uga walaacsan in Xarakada Al-shabaab ay Weerarro kale oo Argagaxiso ka geysato Kenya

Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Hay’adaha ammaanka Kenya iyo kuwa reer galbeedka ayaa walaac xooggan ka muujinaya in Al-shabaab ay mar kale weerarro argagaxiso ka geysato gudaha dalka Kenya, sida uu qoray maanta Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya.

Baaritaanno dheeraad ah ayay hay’adahan ku hayaan koox lagu magacaabo Al-Hijra oo uu hoggaamiyo Sheekh Imaan Cali oo Kenyan kuna biiray kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya taasoo si qarsoodi ah uga howlgasha Kenya.

“Midowga Yurub wuxuu si dhow ula socdaan hanjabaad dhawaan ka timid kooxda Al-Hijra iyo kuwa ay xiriirka la leedahay. Tani waxay keentay inay digooni badan muujiyaan hayadaha ammanaka Kenya iyo kuwa galbeedka, waxaana ugu baaqnay dhammaan Kenyanka inay gacan ka geystaan sidii loo banjirin lahaa weerarradaas,” ayuu sarkaal sare oo reer Yurub ah uu maanta oo Axad ah u sheegay wargeyska Daily Nation.

Al-shabaab oo adeegsanaysa shaqsiyaad ku sugan dalka Kenya ayaa bishii hore waxay weerar lama filaan ah ku qaadeen dhismaha ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, kaasoo qaatay maalmo ayna ku dhinteen 67-qof oo ay ku jiraan ajnabi reer galbeed ah.

Sarkaalku wuxuu sheegay in weerarkii Westgate uu ahaa mid aad looga soo shaqeeyay ayna dhici karto in mid kaas la mid ah ay Al-shabaab iyo kooxda ay gacan-saarka leeyihiinn ay mar kale geystaan.

“Weerarkii Westgate Mall wuxuu ahaa mid isku dhafan iyadoo kooxdan ay u isticmaaleen kuwo toos ah iyo qaraxyo, wayna fududahay inay mar kale ka geystaan Kenya kaas oo kale,” ayuu yiri Matt Bryden oo ah madaxa koox baarayaal ah oo lagu magacaabo Sahan.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in farsamadaas oo kale ay Al-shabaab u adeegsan karto xero tababar oo ay ku leeyihiin meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Horraantii sanadkan ayay Al-shabaab weerar qorsheysan ka fuliyeen dhisme ay Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho, kaasoo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasoo ay ku dileen tiro shaqaalaha Qaramada Midoobay ka tirsan oo ay askartii ilaalinaysa ku jiraan.

Cap. Simiyu Werunga oo ka mid ah madaxa haya’d ka faalloota ammaanka oo dalka Kenya saldhiggeedu yahay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee Kenya ay sameeyaan horumar ka badan midka hadda iyagoo beegsanaya shaqsiyaadka ay uga shakiyaan inay ka tirsan yihiin argagaxisada.

Al-shabaab ayaa toddobaadyo ka hor ku hanjabtay inay Kenya ka geysan doonto weerarro la mid ah kii ay ku qaadday dhismaha ganacsi ee Westgate, iyadoo sheegtay in weerarradu ay socon doonaan illaa magaalada Nairobi ay isku bedesho webiyo dhiig ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya