4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
RA’IISUL WAASARE SAACID: “Waxaan Xaqiijinayaa in Magaalada Muqdisho ay tahay Magaalo Ammaankeedu Wanaagsan yahay”


Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in xukuumaddu ay xaqiijinayso in ammaanka Muqdisho uu yahay mid la isku halleyn karo oo wanaagsan.

Saacid ayaa sheegay in ammaanka magaalada lagu xaqiijiyay iskaashi ay si wadajira h u sameeyeen shacabka iyo hay’adaha ammaanka Muqdisho ayna amaan ka tahay weerarada ay Al-shabaab geysanayaan.

“Xukuumaddu waxay dhaqaale fara badan ku bixisay sidii amaanku uu ku noqon lahaa mid la isku halleyn karo, waana lagu guuleysatay taas,” ayuu ku yiri qoraalkiisa oo ku qornaa afka Ingiirka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisan wuxuu kusoo beegmayaa kaddib kulan xalay ka dhacay Muqdisho oo laba saacadoo qaatay, kaasoo looga hadlay ammaanka magaalada Muqdisho iyo qaybaha kale ee dowladdu ay dalka ka maamusho.

“Magaalada waa magaalo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof. Waa magaalo uu dhaqalaaha ugu badan kasoo galo xukuumadda, waana magaalo saldhig u ah xukuumadda, sidaa daraadeed waa waajib inaan ka shaqeyno ammaankeeda oo aan ka hortago weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso,” ayuu ra’iisul wasaaruhu mar kale ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu xusay in xukuumaddu ay ku howlan tahay sidii ay uga shaqeyn lahayd in Al-shabaab laga saaro deegaannada ay dalka uga sugan tahay iyadoo shacabkeeda kaashanaysa.

“Culummada Soomaaliyeed waxay dhawaan soo saareen fatwo, taasoo ah in Al-shabaab aysan tahay cadowga dadka iyo dadka, inagoo taas ka duulayna ayaan go’aansannay inaan ka shaqeyno ammaanka dalka,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Inkastoo ra’iisul waasaruhu uu hadalkan sheegay ayaa haddana waxaa xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banadir dilka saddex dhalliyaro ah oo ku sugnaa goob ay dharka ku tolaan oo ku taalla xaafadda Carrafaat, waxaana dilkooda geystay kooxo bastoolado ku hubeysan oo la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya